|

Maxaa Maskaxdeennii Ka Ooday, Afkeeniina Qidhim Ka Siiyey Marka Ay Timaaddo ka waran haynta iyo dareensananta Heerarka Tarankeenna

Ka dhoohsananteena qadiyadaasi iyo wax ka qabad la’aanteeda ma laga yaba in ay noqoto mid sabab u noqota dabargo’a  umadeena iyo halaaga dilaa ah oo gunyar socodka iyadoo aynu ka  dareem lanahay, Alleh kama yeelee!

Rashiid Sulub Caalin

Sida aad iiga baraten kolba waxaan jalleeca , meesha danteena guud ee aynu wadagno ay ka liicdo ee u bahan baraarujinta iyo wax iska tusaaleynta iyo meesha ay ka giigsantahay ee isku bogaadin looga bahanyahay.

Maanta mawduucan waxaan ku soo qadanaya qadiyad muhimad weyn inoo leh anigana werwer xoog leh igu haysa, taasi oo ah in aynu isweydino, kuna hamino in taranka dadkeenu halka salka ku hayo ee joogo,  ama uu marayo amba  mustaqbalka fog iyo kan dhawba uu ahaanayo in aynu indho gaar ah ku hayno marwalba. Sida caqligeenu fayow inoo shegayo marka la soo kobo,iyado hawshani ay qabtan khubaro ku takhasusey tiro koobka bulshada, taranka  waxa xukuma oo laga qiyaas qata caruurta dhalaneysa ee wadankaasi iyo geerida mudooyin go’an isla dhacaya,  darasado mudooyin go’an  la isku barbar dhigo sida ay kalo yahiin ayaa  tusaaleh lagu qaata.

Iyadoo tirokoobyada guud iyo ku gaarka ahba lagu jaagooyo qorshayaasha,lana ogaado arrimo badan oo bulshooyinka looga bahan in laga ogaado,sida xooga dihin ee dada shaqeyn karata iyo mudada la sii sadalinayo in laga fa’ideysan karo xogooda, sida ay

Bulshadu u kalo dagan tahay gobalada, labka iyo dhega siday kalo yahiin iwm. Hadaan teena u nimaadno, marka horeba waxa inagu ceeb ah in ayno ka hadali weynu, ka warerweynu, oo aynu waxkaqabadkeeda  mudnaanta ay leedahay aan siinweyno,taasi ah mid  inaga maqan gabi ahanba, arrintaasi oo kuwo idinka mid ahi  igu waafiqi kartan in aynu u dayacney si axmaqnimo ah oo aad moodo caqligii keeni lahaa hawlgab weyne ku dhacay amaba la inaga dafay.  Iyadoo laga duulayo in ay haysano khubaro badan oo bartay cilmiga tirokoobka hadii dawlad iyo shiciba suuf iyo xanjo aynu isku dhajino lana nimaado go’an adag oo wax qabad ah,iyadoo cilmiyadii hawshaasi lagaga shaqeyn jiray  ay Tecnoolajiyada casrigi ay sahashay.

Taasina waxay il tahay Rashid ahaan in wajib muqas oo dhamaanteen ina saaran ay tahay,   in aynu caradan aynu daganehay ee Alle  inagu beeray inona qorsheeyay sidii ugu habooneyd,ay tahay in aynu ilashano, noqono kuwa camira dad iyo maalba sida uu Alleh ka raali ka yahay,Ka fa’ideysno khayradkiisa,ubadkeenana u sii salaxno,dagaankeena ka ilalino waxyeelooyin ula kaca ah ee aynu ku hayno hadh iyo habeenba,Maadama ay aynu daganahay dhulkan,uuna yahay dalkii aynu ku dhalaney,kuna asturanahay, kuna barbarney,laynaguna asayo,ee meelkalena aynan ku doorsaneyn.

Haddaba, aynu isxisaabino si aynu u helo xaqiiqooyinkeena 40kii- ama 50kii sanno ee u dambeeyey  ayno jaleecno waxa ina daashadey dowlad la’aan ama dowlad xumi,dagaalo, iyo  haddii aynu nahay reer somalilnad oo aynan wali  helin wax aqoonsi caalami ah,  taas oo arrimo badan inagaga xidhan yihiin.

Shaqadii dowladduna ay ka badin wayday adkaynta nabadgalyada iyo dhidibo u tagidda hanaan dowladeed iyo wixii laga qaban karo baahiyaha as-aasiga ah. Sida aad igu waafiqi doontaan badankiinu waxa jira duruufo aad u muhiima oo ay inala soo darsey oo tiradeena iyo tarankeenaba  uu aad u yaradey tasina ay ino jiidi karto meel halaag ah hadii aan deg deg wax looga qaban . Duruufahaasi waxa ka mid ah:-

  1. Ajanabi fara badan oo waddamo badan ka yimid oo inala dagen wadankeenan.
  2. Shaqo la’aan baahsan oo xididaysatay.
  3. In guurkii uu aad iyo aad u yaraaday.
  4. In miyigii laga soo guuray, oo magaaladii layskugu yimid. Taasina ay leedahay culays xagga dhaqaalaha iyo dhinac walba leh.
  5. Dad badan oo waddanka dibaddiisa joogi jiray, oo ku soo guryo noqonaya dalkii hooyo oo bahan qorshe suuban oo wax ku ool ah.
  6. Deegaankeenii oo waxyeelooyin joogtada ah aynu ku hayno xawli ba’an ku socdo oo ay u dhawdahey in faramadhnan kala hoyano iyo cimilada aduunka oo aad isku badalaysa,waxyeeloyinkeedunaa yahiin kuwo wata aafoyin dhibtadooda wadata.
  7. Maamu l-wannaagii keeni lahaa horumarka ee waxna ku kala fududayn lahaa, oo isaguna meesha ka maqan.
  8. Xanuuno badan oo noocyo badan leh oo dadkena si gumad dahson ama daahir ah ku haya ,wax ka qabadkooduna laga gabinayo.
  9. Danbiyadii oo batay oo da’yartii iyo dada dhexe rag iyo dumar kuwa ka mid ah wakhtigoodii jeelasha ku qaatan.
  10. Wax-soosarkii dalka oo noqday mid aan tiirin kareyn koboc dhaqaalaheena habayaratee.
  11. Wadankeena oo ay mawjado mukhaadarad ahi oo inagu cusub iyo kuwa jirijirey ay ina hafeyen.
  12. Dhaqanyo xunxum oo aynan lahan jiran oo soo badanaya oo dib inoo sii dhigaya ayaa ina heysta.
  13. Dhalinyaro badan oo wadankeena ka tahriibtay,kuwo badanina ay ku ledeyn Saxaraha iyo Badaha.
  14. Dumarkii dada dhexe iyo kuwii yaryara oo jidhkooda marinaaya madooyin iyo kiniinyo ay ku doonayan in ay ku cadadan ama ku naxan  oo  ay aysan aqoon u laheyn wax yeelada ay soo gaadhsiinayan ay marka ay uurka yeeshan, gaadhsiinkara xanuuno ba’an  xubnaha tarankoodaba.
  15. Dumarka marka ay dhalayan ilmahu ka dhinto amaba israaca oo aad u soo badanaya,iyo caruurta shan jir ka yar oo kuwo badani ay u dhimanayan dayacado,aqoon iyo cafimaad daro.
  16. Raggii oo dada 50 iyo kuwa ka sii weynbaee ah  ila 70ka oo macno hawlgab iska noqdeyn xaga maskaxda iyo jidhkaba,sababta oo ah waxa jilciyay 50kii sano ee u danbeeyay oo muteysteen dagaalo,maamul xumi,dawlad la’an.kuwa kalena garahaan raga reer  magaalku lagu saliday baryahan danbe kiniinyo aysan aqoon u laheyn oo ay u ageegsadan galmadda dumarka iyagoo ka raadinaya in ay helaan awood dheerad,aqoondarana ay haysato xaga kiinigan, kuwo badani ay kuba dhintan ,cid ka wacyi galisana aysan jiran, iyo ragii iyo dumarkiiba uu faro baas qaadku ku hayo cafimaadkooda,dhaqankoodii ,iyo wanaag qoyskuna ku baba’ayo,  kuwaasi oo iyaguna xunuuno taranka iyo xanuuno kale oo gadhsiinaya siin kara.Sidoo kale ragii guursan jiray dumarka mid wax badan oo ay  iyaguna aad iyo aad u sii yaraanaya,duruufo dhaqaale awgeed.
  17. Iyadoo la inooga keeno Rashin iyo dawooyin dhacay ama tayadoodu aad u liidato oo wadamada dibada la keenayo iyado aynu iska wada ognahay waxyeeladooda hadna aynu aminsanahay fikrad cusub oo qaldan oo la hadh ah oo odhaneysa la isku joojin maayo!
  18. Caruurta reer somaliyeed ee dibadaha ku dhashay oo ay aad ugu adkato in ay wadankooda ku nooladan,kana shaqeyan,umadoodana wanaag ku soo kordhiyan.
  19. Dagaaladii aynu la galay Siyaad bare iyo kuwii sokeeyaba waxa inagaga leday dad badan oo da’ walba lahaa.
  20. Wax ka qabadka danaheena guud oo aynu
  21. Xisaab la’an shicibkeena oo ah dadka aynu masuuliyada dawladnimada u doorano ee madax inoo noqda aynan la xisaabtamin waxii aynu ku dooraney ay baal maran ilaa 60kii oo awoodii,dhaqaalahii taladii dalka sida ay doonan ee danguudi  inoogu jiran  ugu takrifala.
  22. Aklaaqdii iyo asluubta qoyska lagu dhiqi jiray oo xidhiidh furantay,taasina ay dhawac weyn u geysato si jiritanka qoyska iyo korinta ubadkena.
  23. Culimada hadh iyo habeenba wacdiga,wanada wada oo wax aad u yar laga qaadanayo.
  24. Gacmo dawlado shisheeye ah oo arrimaheena, taladeena intaasi faraha kula jira samo iyo hagardaamooyinba.
  25. Quruxdii iyo haybadii dadnimo ee aynu lahaan jirney oo ku dhacdey hog aan u bixiya Kaarmo seeg,tasi oo maskaxdii xalka keeni lahayd dhawaca weyn gadhay .

Dhammaan arrimahani iyo kuwo kaleba waxa ay shaki la’aan hoos u dhigayan am ay khusaynayaan tiradeena iyo heerka tarankeena umad ahaanba u marayo.Waxaan dawlad iyo shiciba u soo jeedinaya in tarankeena iyo tirkoobyo fiiro gaar ah loo yeesho laguna darsado qorshayaasha mustaqbal ah in la sameeyo Anigu Rashiid ahaan waxaan aaminsanahay, in aynu karaamada iyo cisiga Eebbe in siiyey in aan dhawrano inta yare e dunidan aynu ku suganahay  oo lagu tashado hadal yar iyo hawl badan lana nimaadno  wax kasta oo uu dedaalkeeda, kartideeda iyo isku duubnaanteeda arrintasi guul lagaga gadhayo,talana Alle sarano,aragti fog oo danheena la nimaadno

Rashid sulub calin.

Barmamijka guuleystayaal geediga wada

Sulub2007@yahoo.com. 4426781… 659746679

F.G.Waxaan ka cudardaaranaya in anan aqoon gaar ah u laheyn Cilmiga Tirokoobka & Taranka ee waciyi galini igu kaliftay.

Sidoo kalena aan dheereyay maqaalkan. Cidii talo iyo tusaleyn fayow  ka dhiiban karta, waan soo dhaweynaya.

Comments are closed