|

Xukuumadda Somaliland Oo Digniin U Dirtay Wershadaha Biyaha Soo Saara DAAWO

Hargaysa 23.May 2016 (SDN/QJ):- Wasiirduwlaha Wasaaradda biyaha Somaliland Mahdi Cismaan Buuri, ayaa sheegay in talaabo ka qaadi doonaan shirkaddaha biyaha soo saara, marka la tijaabiyo wax soo saarkooda in aan la isticmaali karin, dadkanna aan u cuntami karin.

 

Wasiirduwlaha oo arrimaha uga waramaya Horn Cable Tv, wuxuu yidhi“Wershaduhu waxay soo saaraan biyo, maalin dhawayd baan anigu kala hadlayay Injineeradda oo aan idhi biyaha maadaama oo aynu inagu masuul ka nahay miyaanay fiicnayn in la soo qaado oo la baadho oo tayadooda la ogaado oo tii tayadoodu xuntahayna aynu ka xidhno. Waxaanu ka ballanqaadayna dadweynaha qaaliga ah ee aanu masuulka uga nahay xaga biyaha in aanu ka xidhi doonno wershado badan, haddii ay tayadoodu ka hoosayayso heerkii loogu talogalay.”Ayuu yidhi Mahdi Cismaan Buuri

 

Mineral waterSidoo kale, Mahdi Cismaan Buuri wuxuu sheegya in magaaladda Hargeysa dadka ku dhaqani 80% heli doonaan sannadka 2017-ka biyo ku filan “Biyaha berigii horre inoo iman jiray waxay ahayeen sagaal kun oo miyuu kuyuubin, kolka waa labinlaabay oo waxa la doonaya in imika laga dhiggo 20 kun oo miyuu kuyuubin ayaa laga dhigaya, waxaanna arrinka ka qaybqaatay AUD iyo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF iyo World Banka ayaa ka qaybqaatay sidii loo labinlaabi lahaa biyaha Hargeysa.

Waxa kale oo la sameeyay qaar kale oo u gudbinaya Axmed Dhagax iyo Maxamed Mooge si halka iyaganna biyo looga helo.”

Comments are closed