|

Maxaad Ka Ogtahay Dalka Kaliya Caalamka Ee Dadkiisa Ka Mamnuucay Sigaarka?

Turkmenistan 27. February 2017 (SDN/QJ):- Muddo sanad laga joogo ayaa dalka Turkmenistan oo ku yaalla bartamaha Qaarada Asia waxaa uu noqday dalkii ugu horeeyey caalamka ee gebi ahaanba dadkiisa ka mamnuucay cabista iyo ka ganacsiga sigaarka.

 

Madaxweynaha dalkaasi Gurbanguly Berdimuhamedow ayaana ganaax adag ku soo rogay qofkii lagu helo inuu cabayey ama ka ganacsanayey sigaarka, iyadoo cidii lagu arko laga qaadayo 6900 oo lacagta dalkaas ah una dhiganta dollar ahaan $1,971.

 

Ganacsiga sigaarka ayaa suuqa madow lagu kala iibsadaa dalkaas waxaana baakadii sigaar ah la iibiyaa 11 dollar, kaasoo ah qiime aad u sareeya oo aysan dadka caba sigaarka intooda badan awoodi karin marka la fiiriyo qiimihii caadiga ah ee mamnuucida ka hor la iibin jiray oo ahaa wax ka yar hal dollar baakatkii.

 

Arintan ayaa keentay in inta badan dadkii sigaarka cabi jiray ay iska joojiyaan, kuwa weli sida dhuumaaleysiga ah u cabana ay qarka u saran yihiin iney qaadaan talaabadaasoo kale silica iyo rafaadka ay ku qabaan awgeed.

 

Talaabadan ayaa sababtay in shacabka wadankaas oo muslimiin u badan ay ka reystaan dhibaatooyinka uu sababo sigaarka ee dhinacyada caafimaadka iyo akhlaaqda bulshada.

Go’aankaan ayaana ka dhigan in dalka Turkmenistan aan lagu arki doonin qof sigaar cabo marka la gaaro sanadka 2025 ka, booliska dalkaas ayaana sameeya howlgalo iyoi dabagal joogto ah oo ku aadan sigaarka iyagoo soo xira cid waliba oo ay ku tuhmaan inay isticmaasho sigaarka.

 

Turkmenistan ayaan sanadkii 2004 mamnuucday tubaakada taasoo gogol-xaar u aheyd mamnuucida sanad ka hor ay ku sameysay sigaarka.

 

Sida ay sheegtay laanta Caafimaadka adduunka WHO Lixdii ilbiriqsiba waxaa caalamka ku dhinta qof sigaar caba, daraasad la sameeyey ayaana lagu ogaaday in 100 milyan oo qof ay sigaar cabista u geeriyootay qarnigii 20aad, iyada oo 6 milyan oo qof sanad waliba ay u geeriyoodaan cabista sigaarka oo sababa cuduro halis ah oo uu ka mid yahay kansarka ku dhaca sambada.

Comments are closed