Uncategorized

Maxaad kala socotaa dalalka aaney Laanta Socdaalka Mareykanku Duyuuradahooda u ogoleyn

Washington July 21,2014(SDN/QJ)-Laanta socdaalka Mareykanka ee FAA ayaa shaacisay dalal ay hawadooda uga digtay duyuuradaha laga leeyahay dalkaas.

Digniintan ayaa waxa ay soo baxeysaa maalmo ka dib kolkii duyuurad rakaaba oo laga lahaa dalka Malesiya lagu soo riday dalka Ukraine.

Laanta duulimaadka ee dalka Mareykanka ayaa mararka qaar daabacda digniino noocan ah balse haatan waxa digniinaha lagu daray dalal cilaaqaad wanaagsan la leh Mareykanka.

faa

Dalalka aanu Mareykanku dooneyn in duyuuradahoodu isticmaalaan hawadooda wax aka mid ah Iraq, Libya, North Korea, Somalia, Ukraine, Afghanistan, Congo, Egypt Sinai Peninsula, Iran, Kenya, Mali, Syria and Yemen.

Si kastaba ha ahaatee digniintan ayaa waxa ay adkeyneysaa in shirkadaha duulimaadyada Mareykanku tagaan degaano badan oo caalamka ka mid ah.

SDN/QJ-Washington

contact@qurbejoog.com