|

‘’Jaadku Waa Aafada Keliya ee Sababta u ah Sicir Bararka Suuqyada Somaliland ka Taagan’’ Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda

Hargaysa 21. April 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa ka hadlay sicir bararka dalka ka jira, waxaanu sheegay in dhoofka xoolaha ee la joojiyey iyo abaartu ay sabab u yihiin, balse wuxuu si gaar ah u sheegay in Jaadku door lixaad leh ku leeyahay sicir bararka jira, waxaanu xusay in maalin walba lacag aad u fara badan uu Bulshada kaga baxo Jaadka, oo Dhaqaalihii iyo Caafimaadkiiba uu dhib u keenayo, waxaanu soo jeediyey qodobo uu isagu u arko inuu xal u noqon karo jaadka, oo uu ku taliyey in lagu dhaqaaqo.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u diray Wargeyska Geeska Afrika sannad guuradiisa 11aad awgeed, waxaanu ku tilmaamay inuu yahay Wargeys dhex-dhexaad ah, dadkuna ay aad u jecel yihiin, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya sicir bararka “Sicir bararku waa jiraa, sababana wuu leeyahay, waxaana u sabab ah sicir bararkan imika taagan abaaraha iyo dhoofka xoolaha ee la joojiyey, oo ahayd halkay lacagta adagi inaga soo galaysay, waxaan se ALLE ka baryeynaa inuu abaarta inaga dulqaado”.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladu mar uu sharaxaad ka bixinaayey qaadka iyo doorka uu ku leeyahay sicir bararka ayaa yidhi “Waxa jira arin kale oo sicir bararka sabab u ah oo aanay inta badan dadku aanay xusin,  arintaasina waa Jaadka, oo maalin walba 300 oo kun oo doolar ayaa Somaliland kaga baxda Jaad, Jaadkaasina wax dhibaato ah mooye wax dheef ah oo uu leeyahay ma jiro, qofka cuna dhaqaalihiisa mooye, caafimaadkiisa ayuu wax yeelayaa, marka uu caafimaadkiisa wax yeelana daweyn baa loo baahnaynaa, oo iyaduna waa kharash kale, mid kale wax soo saarkiisi ayaa hoos u dhacaya”.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladu mar uu ka hadlaayey sida uu guud ahaan Jaadku ugu fiday dalka ayaa yidhi “Waagii hore dadka magaalada ayaa jaadka cuni jiray laakiin imika kuwa miyiga ayaa ka badsada, oo waa lagu qoraa oo markay muddo gaadho ayaa neef xoolo ah looga qaata, inta badan dumarka ayaa adhiga iyo xoolaha intooda badan la socda oo ka war haya xitta tiradiisa, oo waxa jira aniga qosol badan oo ah in caruurtii markay hooyadood ku yidhaahda Hooyo neefkii noocaas ahaa mee, waxay ugu jawaabta waa kii aabo qaatay, oo aabana jaad buu ku iibsaday”.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladu mar uu ka hadlaayey qaabka loo joojin karo Jaadka ayaa yidhi “Arinka jaadka ha la joojiyo ma fududa, inkastoo ay fiicnaan lahayd in la joojiyo oo ay dadka ka timaado, laakiin anigu dhawr sifo oo lagu yarayn karo ayaan soo jeedin lahaa, waa ta kowaade wacyigelin fara badan in la sameeyo weeye, oo Culimada iyo dadka aqoon yahanka, Dugsiyadaha iyo Jaamacaddaha la iskaashado oo laga wada qayb galo sidii looga wacyigelin lahaa bulshada aafada jaadka, ta labaad waa in Dhalinyarada soo koraysa Dugsiyada loogu dhigo, oo Manhajka ay ka mid noqdo Jaadka iyo dhibkiisu waa muhiim, waayo dhaqaalaheenii iyo caafimaadkeenii ayuu saamaynayaa, oo in Dugsiyada Dhexe iyo Dugsiyada sareba in lagu dhigo ayaa wanaagsan, ta saddexaad ee wax lagaga qaban karo Jaadka, waa dadka soo dejiya Jaadka in Xukuumaddu intay la shirto, la yidhaahdo Cashuurta waa la kordhinayaa, oo intaas ayaa laga dhigayaa ee idinkuna dadka iibsanaya ayaad ku daraysaan, oo mudaharaad iyo cashuur lala dhuunto aanay dhicin, kolka ay Cashuurtu korodho qaadku uu qaali buu noqonaya, dad fara badan oo aan iibsan karayn baa jira, markaas lacagtii inaga baxaysay wey yaraanaysa, dhibaatooyinkii kale ee uu keenayeyna aad bay u yaraanaysa”.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiiladu mar uu ka hadlaayey abaarta ayaa yidhi “ILLAAHAY waxaan ka barayayaa inuu madar khayr qaba oo sareeca ah oo caam ah oo dadka wada gaadha, uu inoo shubo”.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiiladu mar uu ka hadlaayey sannad guuradda 11aad ee Wargeyska Geeska Afrika iyo is bedelka ku yimid ayaa yidhi “Wargeyska Geeska Afrika horumar weyn buu gaadhay, 11 sanno muddo aad u dheer maaha, laakiin waxaad mooda inuu Wargeyska Geeska Afrika uu 50 jirsaday, marka loo eego sida uu dhex-dhexaadka u yahay, sida ay dadku u jecel yihiin, sida loo akhrisanaayo iyo qaabka uu wax u qoro,  imikana haddii uu Kalar ku daray waa horumar kale oo ku soo kordhay Wargeyska, waxaan kale oo aan maqlay inuu Madbacad keenay, taasina waa horumar kale, horumarkaasna ha ku sii socdo, waana hambaliyeynayaa, Wargeyskuna wuxuu qoraa warar run ah oo xaqiiq ah ee halkaas ka sii wada”.

Leave a Reply