|

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha la Doortay ee Somaliland Iyo Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani?

Hargaysa 06. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horaysay kulan fool-ka-fool ah la yeeshay suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee beelaha Somaliland.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulankaas oo ka qabsoomay Hargeysa. Laakiin warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in kulanka oo uu qabsoomadiisa lahaa madaxweynaha la doortay la xidhiidhay daawaynta xanaftii ay doorashadii madaxtooyadu reebtay. Suldaan Maxamed ayaa door muhiim ah ka ciyaaray daminta rabshado ka dhacay Burco ka dib doorashadii, waxaana la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu suldaanka uga mahadceliyay dedaalkaas guurtinimo, waxaanu madaxweynuhu sheegay inuu geestiisa diyaar u yahay in la dhameeyo wax kasta oo ay doorashada iyo tartankii ololuhu reebeen islamarkaana la isu soo dhaweeyo shacabka siyaasadda ku kala fogaaday.
Suldaan Xirsi-qani ayaa isna la sheegay inuu geestiisa balan qaaday ka hawlgalayo sidii umadda la isugu soo dhawayn lahaa, waxaanu sheegay in ka madax dhaqan ahaan ay waajib ku tahay isu soo dhawaynta umadu.
Geesta kale, waxa maanta qabsoomaaya kulan labaad oo la filayo inuu madaxweynaha la doortay la yeesho ganacsatada iyo madaxda dhaqanka ee Beelaha Garxajis, isagoo hore kulan gaar ah ula yeeshay ganacsatada beelahaas oo ay isla garteen in la yeesho kulamo dambe.
Madaxweyne Biixi, ayaa markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashada madaxtooyada wuxuu balan qaaday inuu u hawlgalayo sidii uu umadda isugu soo dhawayn lahaa islamarkaana meesha looga saari lahaa wixii xanaf ah ee ka dhashay doorashadaas.

Comments are closed