|

Wiil uu Dhalay Madaxweynihii Hore ee Yemen ee ay Kooxda Xuutiyiintu Khaarajiyeen Cali Cabdale Saalax oo Nidar ku Maray baa’binta Xuutiyiinta Iran ay Taageerto!! 

Sanca 06. December 2017 (SDN/QJ):-Wiil uu dhalay madaxweynihii dhowaan la dilay ee dalkaasi Yemen Cali Cabdallla Saalax ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dilkii ay kooxaha xuutiyiinta ahi u geysteen  aabihii.

Axmed Cali Cabdalla Saalax ayaa ku hanjebay inuu ka aarsan doono dawlada Iran iyo kooxaha Xuutiyiinta ah ee ka dambeeyey dilkii aabihii.

 

Wiilkan ayaa ku hanjebay inuu hogaamin doono dagaal adag oo ay la geli doonaan kooxaha Xuutiyiinta ah iyo dawlada Iran , waxaanu intaas ku daray in dhegaha wadanka Iran ay maqli doonaan dhawaq naareed,Sida uu Hadalka u dhigay.

Dhanka kalena dawladaha Sucuudiga iyo Xulafadiisa ayaa duqaymo ka bilaabay magaalada Caasimadda ah ee Sanca,  kuwaas oo ay ku badhtilmaameedsanayaan goobaha saldhigyada u ah kooxaha Xuutiyiinta ah.

Kooxaha Xuutiyiinta ayaa iyaguna dabaal degyo ka bilaabay magaaladaasi Sanca , kadib markii ay dileen madaxweynihii hore ee dalkaasi Yemen Cali Cabdalla Saalax.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa inuu isugu yimaado kulan deg deg ah, iyada oo lagaga wada hadli doono xaalada kasoo cusboonaatay wadanka Yemen,  Sidoo Kale Madaxweynaha Caalamku aqoonsan yahay ee Yemen Cabdoo Rabuu Mansuur hadi ayaa baaq u diray Shacabka Yemen oo uu ka dalbaday inay isu abaabulaan Sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen Kooxaha Xuutiyiinta.

Comments are closed