|

Maxay Xukuumadda Somaliland Ka Tidhi Maab (Map) Halis Ku Ah Qarannimada Dalka, Gobolada Galbeedkana Qaab Beelaysan U Kala Qaybiynaya, Dhibaatona Ka Dhex Abuuri Gaadhay Somaliland Iyo Jabuuti?!! DAAWO

Hargaysa 01. November 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay Khariirad Been Abuur ah oo lagu Qaybiyay gudaha Dalka Jabuuti, taasi oo dadka lagu Barayay Xuduudaha Somaliland.

maab-khaldanAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed ayaa sheegay in khariiradaasi aanay muujinayn xuduudaha rasmiga ah ee Somaliland, isla-markaana dhib loogu gaysanayo qaranimada Somaliland iyo saaxiibtinimada dalka Jabuuti.

Agaasimaha oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in dabagal ku hayaan dadka ka been abuuray khariirada Somaliland.

Agaasimaha guud Maamulka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gobollada iyo Dawladaha Hoose Cabdifataax Siciid Axmed  oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Kharriirad khaldan oo been abuur ah ayaa loo qaybiyey dalka Djibouti oo aan ku soo ogaaday markii aan la kulmay masuuliyiin sare oo dalkaasi ah, khariirada Somaliland ee la aqoonsan yahay waa tii lixdankii, sida Dastuurkeena ku qoran ee ay xukuumaduna ku shaqaynayso, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilsan maamulka iyo kala xadaynta dhulka, sidaa awgeedna waxaan ka raalli galinayaa Xukuumada Djibouti iyo dadkeeda aynu walaalaha nahay, khariiradaasi khaldan ee la gaadhsiiyey”.

Cabdifataax oo sii iftiiminaya waxyaalaha ay khariiradaasi khaladka ku tahay ayaa yidhi, “khariiraddan been abuurka ah waxa ku qoran in la sameeyey 2013kii, isla-markaana xudduudihii Somaliland waxa loo qaybiyey dhawr meelood oo been ah, iyadoo lagu qoray magacyo qabiil”.

Agaasime Cabdifataax waxa kale oo uu sheegay in ciqaab la marin doono ciddii samaysay khariiradan been abuurka ah, “Ciddii samaysay khariiraddan khaldan waanu dabagalaynaa, oo Xukuumad ahaan wax baanu ka qabaynaynaa, waxaana haatan socda baadhitaankii”. Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay Agaasimaha guud Maamulka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland Safar uu Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ku wehelinayay oo ay ku tageen Gobollada Galbeedka Somaliland “Gobolka Awdal waxaanu u tagnay inaanu soo kormeerno mashaariicda laga maalgaliyo mashruuca JPLG ee dawladaha Hoose, Boorama oo hal waddo ah lahayd, maantana waxay leedahay afar iyo Toban waddo”ayuu yidhi.

Agaasimaha Guud waxa kale oo uu ka hadlay oo uu faahfaahiyey kala duwanaanshiyaha Agaasimaha Guud ee Maamulka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Gobollada iyo Dawladaha hoose oo uu sheegay in Madaxweynuhu isaga u Magacaabay bishii August ee Sannadkan.

Cabdifataax oo Warbaahinta u akhriyey Digreetada uu Madaxweynuhu ku Magacaabay, ayaa yidhi, “Digreetada Madaxweynaha waxa ku qoran, ‘Madaxweynuhu wuxuu Go’aansaday in Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed uu ahaa Agaasimaha Guud ee Maamulka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gobollada iyo Dawladaha hoose’. Markaa Agaasimaha kale ee la Magacaabay waa Agaasimaha Guud ee Amniga.”

Waa markii u horaysay ee Maab noocan oo kale ah oo lagu dacaayadaynayo Qaranimada Somaliland lagu arkay Wadamada aynu jaarka nahay,waxaana uu Agaasimuhu sheegay inay aaminsan yihiin inay falkani fuliyeen dad ujeedo gaar ah leh oo doonaya inay Labada Dal ee Somaliland iyo Jabuuti madaxa isku galiyaan.

Comments are closed