|

“Hadii la isku caayo askarnimada ninka askariga caayayaa waxa uu askarigu yahay baanu garanayn’’ Wasiirka Wershadaha DAAWO

Hargaysa 01. November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda Warshadaha Somaliland Md Shucayb Maxamed Muuse, ayaa difaacay qiimaha iyo milgaha uu qaranka iyo bulshada dhexdeedaba ku leeyahay askarigu oo dhawaanahan rag siyaasiyiin ahi dhaliilo u jeedinayeen.

Wasiir Shucayb oo ka qaybgalay munaasibad uu xisbiga KULMIYE kusoo dhaweynayey taageerayaal kaga soo biiray gobolka Gabiley, ayaa hoosta ka xarriiqay inuu askarigu yahay cidda lagu seexdo ee ammaanka dalka hadh iyo habeen usoo jeedda, isaga oo intaas raaciyey inaanu geyin aflegaaddo iyo cay midna.

Comments are closed