|

Maxkamada Hargeysa oo xukun ku riday Suxuufiyiin

Hargeysa (QJ) – Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta min hal sanno iyo afar bilood ku xukuntay wariyeyaasha kala ah Mohamed Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed halka ay xorriyadiisii u soo celisay Cabdiraxmaan Khaliif.

Suxuufiyiinta ayaa ilaa April u xirnaa tebin ay ka sameeyeen xabsiga dhexe ee Hargeya oo rabshado ka socdeen.

Geesta Kalena  weriye Cabdimaalik muuse coldoon ayaa Maxakamada racfaanka qaranka ay ku Xukuntay Laba Sano oo Xadhig ah iyo Sadex melyan oo shiling ka Somaliland ah.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa hore wax dambi ugu wayday Coldoon balse ugu dambeyn saaka ayey xukuntay Maxkamadda Racfaanku.

Coldoon ayaa sanad iyo bar sharci la’aan ugu xirnaa Xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Goomadan xabsi ee lagu riday suxuufiyiintan ayaa aad uga fajecisay bulshada reer Somaliland.

Comments are closed