|

Maxkamada sare oo goaamin doonta nooca doorasho ee Somaliland ka dhici doonta

Hargeysa July 03, 2023 (QJ) – Madaxtooyada Somaliland ayaa cadaadis dheer dabadii ku guuleystay Qorsheheedii Doorashooyinka Madaxweynha hawada looga saarayay ee ay mudada wadey.

Madaxtooyada ayaa ugu danbeyntii ku guuleysatay in au ku dhiirigeliso Guddi ku sheega Doorashooyinka in ay qorshan guracan ee dawlada la kaashadaan Maxkamada xaafadeedka sare ee Somaliland.

Maxkamada ayaa sharciyeyneysa qorshaha Muuse Biixi ee ku wejahan Doorashooyinka mudo dhaafka ah ee in badani ka quusatay ee Madaxtooyada.

Axsaabta metesha mucaaridka ayaa u muuqda qaar qudhoodu qeyb ka ah qorsha lagu marin habaabinayo hanaanka Doorashooyinka Somaliland.

Madaxtooyada ayaa ugu hanjabtay Guddida doorashooyinka dalka in la kala diriir doono hadii aaney maxkamada sare u daba fariisan arinka doorashooyinka,

Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maalmo guddohood dalabkan lagu sharciyeynayo doorosho ee uu Muuse Biixi doonayo.

Xeeldheereyaal badan ayaa qaba in Muuse iixi iyo xulafadiisa aaney marnaba qaban doonin noocyadii dooroshooyin ee hore looga bartay, sidaana uuu doonayo in uu ku sii fadhiyo.

Taageereyaal faro badan oo hore ay mucaaridku u marin habaabiyeen ayaa haatan fahmay in sida kaleya ee dalka isbedel dhab ah looga hirgelin karo in ay tahay kacdoon shacab.

Comments are closed