|

Maxkamada sare oo iska diiday ka garnaqa Muranka Doorashooyinka

Hargeysa July 10,2023(QJ)-Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, ayaa ku gacan saydhay tafsiirkii ay codsadeen Komishanka Doorashooyinku, ee ku saabsanaa khilaafka ka dhashay khariidadda doorashada.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ay Maxkamaddu soo saartay, waxay ku gacan-saydhay codsigii Guddida Doorashooyinka ee 7-dii April 2023, oo ay ku sheegtay inaanu khuseyn Maxkamadda Sare, maadaama oo ay khusayso khilaafyada Doorashada.

“Maxkamada dastuuriga ahi waxay diiday arjiga ku taariikhaysan 4,7,2023 ee Koomiishanka Doorashooyinka Qaranku usoo gudbiyeen Maxkamada Sare ee JSL ahna maxkamada dastuuriga ah, u jeedadiisuna ahayd fasiraad sharci” ayaa lagu yidhi qoraalka maxkamada.

Maxkamaddu waxa ay iftiimisay in muddaynta doorashadu aanay ahayn mid ay awooddeeda leedahay, balse ay tahay mid loo igmaday guddiga doorashada, sidaas awgeedna ay ka gaabsatay inay farageliso.

“Waxa la faraya Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka in ay cayimaan wakhtiga doorashooyinka madaama oo ay tahay awoodooda, sida uu dhigayo qodobka 16aad ee xeerka doorashooyinka guud” ayaa lagu yidhi markale qoraalka maxkamada.

Komishanka Doorashooyinka oo lagu eedaynayo inay eex ku sameeyeen khilaafkii ka dhashay doorashada madaxtooyada iyo ururada siyaasadda, ayaa maxkamadda ka codsaday inay fasiraad ka bixiso, taas oo ay maxkamaddu ku gacan saydhay si ay u ilaaliso dhexdhexaadnimada.

Comments are closed