|

Muuse oo Habarjeclo ku wargeliyay in ay dagaalka Laascaanood beelahaan ula wareegaan

Hargeysa July 10, 2023 (QJ) – Madaxweynaha muda dhaafka xilka Somaliland  ku jooga ayaa la sheegay in uu dhawaan kulan Xaafadtooyada Hargeysa isugu yeedhay madaxda xukuumadiisa uga jira beesha Habarjeclo.

Kulanka ayaa la sheegay in Muuse Biixi ugu sheegay beesha Bariga Burco in aanu kharash u heyn dagaalka Laascaanood ka socda lixda bilood ee ay siduu sheegay guusha ka gaariwaayeen.

Muuse ayaa la sheegay in uu madaxda Habarjeclo u sheegay in ay degdeg qorshe ay kula wareegayaan dagaalka ay ula yimaadaan, bacdamaa ay iyagu guul degdeg ah u balan qaadeen.

Beesha Bariga Burco ayaa hore Muuse uga digtay cawaaqib xumida ka iman karta dagaalka, balse si buuxda ugu taageeretay dagaalka aaney dooneyn.

Xeel dheereyaal u dhashay beesha Habarjeclo ayaa nala wadaagay in ujeedada ugu weyn ee uu Muuse dagaalka beeshooda u geliyay ay aheyd in godob la geliyo isla markaana aaney sinaba uga maarmin taagerada beeshiisa Awal.

Waxa kale oo jirta in HEEGO aaminsan tahay in beesha Habarjeclo lacago badan urursatay xiligii xilka uu hayay Madaxwene Siilaanyo, isla markaana loo baahan yahay in mar hadii hantidaa laga soo celin waayay in dagaal looga burburiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Beelaha SSC ayaa hore tiroba dhawr jeer ugu digay beesha Habarjeclo oo ay degaan wadaag yihiin, balse haatan waxa ay u muuqdaan qaar cidlo ka helaya beesha Habarjeclo hadii Muuse dagaalka uga baxo.

Beelaha kale ee dagaanka Bariga Somaliland sida Garxajis ayaa sidoo kale beesha Habarjeclo uga tirsanaya colaado sidaan oo kale hore loo geliyay oo ay godob ku muteysteen.

Madaxdii Beesha Habarjeclo ee Muuse dhawaan la kulantay ayaa af kalaqaad uga baxay madaxtooyada mana cada waxa ay beeshooda kula noqon doonaan.

Ma aha markii u oreysay ee Beeshan looga baxay dagaal noocan oo kale oo ay u gelisay Beesha Muuse Biixi, waxa la xusuustaa dagaalkii beelaha Awal iyo Garxajis ee 1994tii oo ay Habarjeclo si toos ah ula safatay Beesha Awal.

Dagaalkaa oo ku danbeeyay in Cigaal sidan Muuse oo kale uga baxay dagaalka oo meel qadhaadh xiligaa marayay, wixii ka dhacay baana ka dhacay.

Comments are closed