|

Maxkamadda Maroodi-jeex ayaa maanta markale amartay xabsi ku heynta sadex suxufi

Hargeysa (QJ) – Sadex suxufi oo aan ilaa haatan wax dacwad ah lagu soo oogin ayaa maanta markale la horgeeyay Maxkamada Gobolka Maroodijeex.

Maxamed Cabdi Ilig, Cabdijibaar Maaxmed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Indho-cadde, ayaa xukuumadu dalbatay in loo sii hayo mudo aan ka cadadin.

Maxakamada ayaa markale amartay in xabsiga lagu sii hayo sadexda wariye ee dhawaanta la soo qabtay iyaga oo gudanaya hawshooda wariyenimo.

Kadib Goaankii Maxkamada ee Rumaanka loo jaray saddexdan Wariye ayaa isla maantaba loo dhaadhiciyay xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.

Suxuufiyiintan weli la hayo ayaa ka mid ahaa suxufiyiin la qabqabtay April 14 keedii xili ay soo tebinayeen rabshado ka dhacay guddaha xabsiga dhexe ee Hargeysa

Comments are closed