|

Maxkamadda Sare Ee Dalka Somalia oo Qaraar ka soo Saartay Go’aan ka soo Baxay Baarlamaanka Federaalka Somalia (Akhriso)

Muqdisho 24. July 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda sare ee Somalia ayaa markeeda ka soo horjeesatay go’aankii ka soo baxay baarlamanka federaalka oo diiday in lagu laabto doorashada sideed kursi oo muran uu ka taagnaa kaasoo maxkamadu ay horey u ogolaatay.

 

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda sare oo ku saxiixnaa gudoomiyaha maxkamadaas Ibraahimn Iidle suleymaan iyo garsoorayaal kale ayaa lagu sheegay iney sidoodii u dhaqan galaayaan labadii go’aan ee ka soo baxay Maxkamadda sarre iyo Xeer ilaalinta Qaranka ee soo baxay bilihii Janaayo iyo May ee ku aadanaa In dib loogu laabto doorashada sided Xildhibaan.

 

Khilaafkan cusub ee soo kala dhex galay baarlamanka Somalia iyo maxkamada sare ee dalka oo ah labo heyadood oo dastuuri ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya lamana oga halka uu ku biyo shuban doono iyo cida kala saari doonta.

 

Sharciyaqaanada ayaa u sababeynaya khilaafka noocan ah awoodaha heyadaha sare ee dowlada oo aan si hufan u kala qeexneyn.

Comments are closed