|

Mid ka mid ah dowladaha Afrika Oo Lagu Eedeeyey Iney Toogatay Dad Uu Ku Jiray Nin Xaday Muus ah

Rwanda 17. July 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ayaa dawladda Rwanda ku eedaysay inay laysay dad dambiyo sahlan galay.

Dadka la sheegay inay dawladdu laysay badankood waxaa lagu eedeeyay in ay xatooyo gaysteen, waxaana dadkaas mid ka mid ah lagu eedeeyey inuu xaday Moos.

 

Qaar kalana waxaa lagu eedeeyay inay dalka si sharci darro ah u soo galiyeen daroogada marijuana iyadoo qaar kalena loo cuskaday inay adeegsadeen shabaqyada wax lagu dabto oo sharci darro ah.

 

Human Rights Watch waxay sheegtay in dilalkaasi ay dhaceen intii u dhaxaysay bishii Juun ee sannadkii 2016kii ilaa bishii Maarso ee sannadkan 2017ka, arrintaasna ayna ka dhacday galbeedka Rwanda.

 

Hay’addu waxay rumaysan tahay in arrintani ay qayb ka tahay istaraatiijiyad rasmi ah oo ay dawladdu ku doonayso inay dadka ku cabsi geliso, kagana hortagto in laga hor yimaado awaamiirteeda.

 

Dawladda Rwanda ayaa diiday inay dhaceen dilal noocaas ah, waxayna wararkan ay soo saartay Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ku tilmaantay mid been abuur ah oo caqliga ka baxsan.

Comments are closed