|

Ruushka Oo Soo Saaray Gaadhi Biyaha Iyo Berrigaba Mari Kara Oo Ciidamadu Adeegsanayaan

Moscow 17. July 2017 (SDN/QJ):- Iyada oo dhowaan ay ciidamada Ruushka iyo shirkaddaha dalkaasi qaar kamid ahi soo saareen diyaarad dhulka iyo baddaba mari karta oo ay yeelan doonaan ciidamada wadankaasi, ayaa haddana waxa kale oo ay soo saareen shirkaddaha gawaadhida ciidamada qaabilsan ee Ruushku gawaadhi awood u leh inay biyaha iyo dhulkaba maraan.

Gaadhi lagu magcaabo Triton oo awood u leh inuu maro Biyaha iyo dhulkaba ayay soo saartay shirkadda  Aerospace Technologies ,sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkadaasi Aerospace Technologies gaadhigan waxa uu kaga duwan yahay waxyaalo badan gawaadhida kale.

Gaadhigan ayaa leh afar taayir , sidoo kalena waxa uu lee yahay meel uu ku laaban karo taayiradda xiliga uu biyaha maraayo, waxa kale oo raaci kara ciidamada isaga oo qaadi kara alaabooyinka ciidamadu isticmaalayaan .

 

Waxa uu gaadhigani yahay mid guuxiiso aad u hooseeyo, waxaanu marawaxadaha ku lee yahay xagga dambe, kuwaas oo yaraynaaya kulaylka badan ee gaadhiga kazoo baxaaya, waxa kale oo ay yaraynayaan codkii dheeraa ee gaadhigaasi yeelan lahaa.

Gaadhigani waa 2.95 meter dherer ahaan, sidoo kalena 2.24 meters joog ahaan, halka uu balac ahaan noqonaayo 1.9 meters, waxaanu xawaarihiisa socod noqonayaa 100km/saacadiiba,waxa kale oo uu ugu badnaan jari karaa 400km/ saacadii, isaga oo boodi kara 4200 km.

Waxa kale oo shirkaddani wadaa gaadhigan nooc lamid ah oo loogu talo galay in uu duuli karo, dhulka mari karo, sidoo kalena biyaha mari karo.

Gaadhigan waxa lagu soo bandhigi doonaa magaalada Moscow ee caasimada ah 18 ilaa 23 bisha July.

Comments are closed