|

Mid kamid ah Ragii Weeraray Banaadir Beach oo nolosha lagu qabtay (Daawo Sawirada)

Muqdisho 26.Aug 2016 (SDN/QJ):- Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa nolosha ku qabtay mid kamid ah ragii katirsanaa Dagaalyahanadii Al-Shabaab ee xalay weerarka ku qaaday Maqaayada Banaadir Beach ee kutaala xeebta Liido.

Taliyaha Nabad sugida Gobalka Banaadir Cabdi Fareey ayaa Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Sonna u sheegay in Ciidamada Nabad Sugida qabteen isaga oo dhaawac ah ninkii ka xeenayay gaarigii isku qarxiyay afaafka hore ee Maqaayada Banaadir Beach.

Waxa uu sheegay Taliyaha in ninkan isaga oo dhaawac ah laga soo dhax saaray gaarigii uu qaraxa ku fuliyay, waxa uuna intaa raaciyay in hada dhaawiciisa lagu daweenayo isbitaal kuyaala Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa wali howlgal ka wada Maqaayada Banaadir Beach halkaas oo ay ka dagaalameen rag hubeesan, walina si rasmi ah looma oga qasaaraha dhabta ah ee weerarkan ka dhashay.

isqarxiye isqarxiye2

Comments are closed