|

Israel Oo Noqotay Dalkii Ugu Horreeyey Ee Ciidankiisa Ku Soo Daraya Kombuyuutarka Muuqaalka Aadamaha Leh Ee Robot-Ka Loo Yaqaano

Hargaysa 26.August 2016 (SDN/QJ):- Waddanka Israel ayaa qorshaynaya ugu dambayna tijaabadii ugu dambaysay ku sameeyey aaladda Koombuyuutarka ah ee Robot ka loo yaqaaano ee sida aadamaha u adeega waxna u qabta muuqiisana loo ekaysiiyey dadka kaasi oo ka mid noqon doona ciidamada qalabka sida ee dalkaasi Yuhuudda.

robot-naoIdaacadda waddanka Israel ee afka dawladda ku hadasha ayaa shaacisay warkan oo dalkaasi Israel ka dhigaya dalkii ugu horreeyey dunida ee aaladdan Koombuyuutarka ah ee sida bani aadamka loo ekaysiiyey ku soo daraya ciidamadiisa iyada oo hore dalal badan oo adduunka ahi aaladdan siyaalo kale u adeegsadaan sida adeega tukaanada, boosaha, goobaha madadaalada iyo adeegyo kale oo ay fidiyaan sida nadaafadda iwm. Waxaanay idaacadda dalkaasi Israel sheegtay in qalabkaasi koombuyuutarka ahi u adeegi doono qaab kasta oo looga baahdo adeega dhinaca ciidamada qalabka sida.

“Waxa uu qaban doonaa adeegyada dhinaca ciidamada qalabka sida looga baahdo, waxaana arrinkan la soo waday in muddo ah isaga oo noqon doona tallaabo casri ah oo dhinaca tiknoolajiyada ah oo hore loo mariyey oo loo adeegsan doono dhinaca Milatariga halkii awal aaladdan dadka u e gee koombuyuutarka ah loo adeegsan jiray dhinacyada adeegga bulshada. Sharaf weyn ayay u tahay wasaaradda gaashaan-dhigga ee dalka Israel qaybteeda tiknoolajiyadu in ay aaladdan soo saarto” sidaa waxa wakaaladda wararka AFP u sheegay masuul u hadlay ciidamada dalka Israel.

Adeegyada uu sida gaarka ah aaladdani u qaban doonto waxa lagu sheegay dhinacyada sawir qaadista, kaalmaynta ciidamada ee adeegga dhinacyada nadaafadda, cunto qaybinta iyo adeegsiga dhinaca isgaadhsiinta, waxa kale oo uu qaban doonaa dhinacyada sirdoonka iyo fuulidda goobaha dhaadheer.

Comments are closed