Uncategorized

Midowga Yurub oo sheegay in ay taageerayaan dowladda Soomaaliya

Brussels Feb 09 2013 (SDN)– Midowga Yurub ayaa sheegay inay ku dadaalayaan taageerada ay siinayaan dowlada cusub ee Soomaaliya si ay kaga gudubto marxalada kala duwan ee heysata dowlada Soomaaliya,si loo gaaro mustaqbal wanaagsan.

Madaxweynaha golaha Midowga Yurub Herman Van Rompuy,ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Soomaaliya booqashadii magaalada Brussels ay aheyd mid taariiqi ah.
Midowga Yurub ayaa sheegay in dalka Soomaaliya muddo ku dhow 22 sano ay ka jiraan dagaalo sokeeyo ,dowlada cusubna ay u baahan tahay gargaar si dib u dhis loogu sameeyo dalka.

Herman Van Rompuy,ayaa sheegay in hay’adaha gargaarka Midowga Yurub ay caawiyeen nolosha malaayiin Soomaali ah ,kuwaasi oo ay heysatay xaalado kala duwan oo dhanka nolosha ah.

Laakiin Mr Rompuy ayaa sheegay in isku dhawaanshaha Soomaaliya ay iminka u baahan tahay is la isugu tago qarinimada dalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in xiliga 2008 ilaa 2013 Midowga Yurub ay ku bixiyeen dalka Soomaaliya 517 milyan oo Yuuro si wax loogu qabto doorka sharciga,waxbarashada iyo waxqabadka dhaqaalaha.

Midowga Yurub ayaa dhawaan kordhiyay waqtiga howlgalka tababarka ee ciidamada Soomaaliya ,waxaana lagu kordhiyay labo sano,waxayna noqonaysaa waqti kordhintii labaad tan iyo sanadkii 2010 kii.

Waqtiga loo kordhiyay howlgalka tababarka ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa dhamaanaya sanadka 2015 Bisha marso 31,waxaana ku baxaya dhaqaalo lagu qiyaasay 11.6 Milyan oo Yuuro.