|

Miisaaniyada Soomaaliya oo markii u horeysay dhaaftay Billion iyo Bar

Muqdisho October 28, 2023 (QJ)-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen waxa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2024-ka, taasoo dhan $1,025,687,991 (Hal bilyan iyo shan iyo labaatan milyan, lix boqol iyo sideetan iyo toddoba kun, sagaal boqol iyo sagaashan kun). -Hal Doolarka Maraykanka ah).

Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan ayaa kor u dhaafeysa hal bilyan oo dollar, taasoo ka dhigan koror ka badan 20%. Miisaaniyadan ayaa ah mid muhiimad weyn leh maadaama ay muhiim u tahay amniga qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in Miisaaniyadda ay ka tarjumayso baahiyaha iyo mudnaanta dalka. Dowladdu waxay hiigsaneysaa in ay sare u qaaddo adeegyada loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Shirka Goluhu waxa lagu ansixiyey Xeerarka Dhoofinta, Shahaadooyinka, iyo Calaamadaha Tayada iyo Xeerarka Kormeerka iyo Hubinta Tayada Alaabaha Dalka soo galaya.

Comments are closed