|

Ciidamada -Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, meel qiyaastii 15-KM u jirta degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool. Howlgalka ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isugu jira Ajaanib iyo Maleeshiyaad. Taliyaha Ururka 51-aad ee qeybta 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Deerow Macalin Cabdi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen Afar Maleeshiyaad ah, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 9 kale. “Howlgalkaan waxaan ka sameynay goob ay ku shirsanaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana ku dilnay afar maleeshiyo ah, halka sagaal kalena aan ka dhaawacnay, wax khasaare ah oo naga soo gaaray nafteenna ma jiraan, howlgalkan ayaana qeyb ka ah dadaallada aan ugu jirno la dagaalanka argagixisada” ” Ayuu yiri Korneyl Deeroow Macalin Cabdi. Korneylku ma sheegin magacyada Maleeshiyada la beegsaday ee howlgalkaan qorsheysan, waxaana howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada ballaaran ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab.—————-4ada oo Al Shabaab ku =————–

Beydhabo October 28, 2023 (QJ) -Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, meel qiyaastii 15-KM u jirta degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isugu jira Ajaanib iyo Maleeshiyaad.

Taliyaha Ururka 51-aad ee qeybta 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Deerow Macalin Cabdi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen Afar Maleeshiyaad ah, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 9 kale.

“Howlgalkaan waxaan ka sameynay goob ay ku shirsanaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana ku dilnay afar maleeshiyo ah, halka sagaal kalena aan ka dhaawacnay, wax khasaare ah oo naga soo gaaray nafteenna ma jiraan, howlgalkan ayaana qeyb ka ah dadaallada aan ugu jirno la dagaalanka argagixisada” ” Ayuu yiri Korneyl Deeroow Macalin Cabdi.

Korneylku ma sheegin magacyada Maleeshiyada la beegsaday ee howlgalkaan qorsheysan, waxaana howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada ballaaran ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Comments are closed