|

MSF oo sheegtay in Israaiil oo cisbitaal nin ku dishay

Gaza December 15, 2023 (QJ) -Hay’adda caalamiga ah ee gargaarka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF), ayaa ku warrantay in ciidammada Israa’iil ay qof aan hubaysnayn ku dileen cisbitaalka Khaliil Suleymaan ee magaalada Jenin ee daanta galbeed, halkaas oo ciidammada Israa’iil ay hawlgallo ka wadeen muddo laba maalmood ah.
Afhayeenka MSF Irene Martin oo la hadashay warfidiyeenada ayaa faah faahin ka bixisay dhacdadii ka dhacday isbitaalka Khaliil Suleymaan.

Martin waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in askarta Israa’iil ay si joogto ah u hor istaageen gelitaanka gaadiidka ambalaasta si ay u gaaraan dadka dhaawaca ah, waxaana ay soo saareen amarro lagu daadgureynayo shaqaalaha caafimaadka iyo bukaannada isbitaalka. Intaa waxaa dheer, waxay xustay in ciidamada Israa’iil ay farageliyeen dhaq-dhaqaaqa caafimaadka ee isbitaalka, iyagoo carqaladeeyay bixinta daryeelka caafimaadka.

Docda kale, Ra’iisul Wasaaraha Spain ayaa si kulul u cambaareeyay warsaxaafadeed ay soo saareen madaxda Midowga Yurub.

Pedro Sanchez ayaa muujiyay rabitaankiisa ku aaddan in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay heshiis ka gaaraan xaaladda Gaza, isagoo ku baaqay in jawaab la isku duwo laga bixiyo. Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in Spain ay taageereyso xabbad joojinta, waxaana uu cambaareeyay rabshadaha ka socda Gaza.

Comments are closed