|

Soomaaliya oo ugu danbeyn ku biirtay EAC

Entebbe December 15, 2023 (QJ) -Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku saxiixay heshiiska ka mid noqoshada ururka Bariga Afrika ee EAC. Munaasabadda ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dalalka Bariga Afrika ee xubnaha ka ah. Mas’uuliyiintan ayaa door ka qaatay xubinnimada Soomaaliya ee daladaa.

Sidoo kale, warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku sugan yahay dalka Uganda uu kulamo ballaaran la qaadan doono madaxda jaaliyadda EAC, isagoo kala hadli doona arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalkaas.

Ka mid noqoshada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika waxay ka dhigan tahay guul diblomaasiyadeed oo la taaban karo, waxayna dowladdu u dabbaaldegeysaa saddex guul oo muhiim ah bishan December, oo kala ah ku biirista bulshada Bariga Afrika, in Soomaaliya laga cafiyo deymihii lagu lahaa in badan, iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saarneyd 30 sano taasoo muujineysa horumar la taaban karo oo uu dalka gaaray.

Comments are closed