Libreville Dec 18,2011(qurbejoog.com)- Afhayeenka Xisbiyada mucaaradka dalka Gabon, Zacharie Myboto ayaa waxa uu sheegey si kulul ugu gacan seerey doorashooyinkii barlamanka ee dhawaan dalkasi ka dhacay, isagoo sheegey in xisbiga talada haya ee dalkasi u ku shubtay doorashooyinkasi.
Afhayeenka ayaa waxa uu tilmaamay in guddiga doorashooyinka dalkasi aysan cadalad u tiring codadka doorashooyinka, isagoo hoosta ka xariiqay in aysn marnaba Aqbaleynin Natiijada ay ku dhawaaqeyn guddiga doorashooyinka dalkaasi.
“waxaaa muuqata in aysan cadaalad aheyn guddiga doorashooyinka, waxaan ugu baaqeynaa tageerayaasheena inay ka dhiidhiyaan arinkaasi” sidaa waxa yiri Afhayeenka Xisbiyada mucaaradka dalka Gabow Zacharie Myboto.
Sanadkan kaliya ayaa waxa qaaradda Afrika ka dhacay doorashooyin badan kuwaasi oo intooda badan dhaliyey muran iyo qalaalaso, iyadoo wadankii ugu dambeeyey uu ahaa wadanka Kongo oo haatan ka taagan rabshado iyo qalalaaso oo ay dad badan ay ku dhinteen.
Qurbejoog-Libreville
