|

Mucaardika Puntland oo u digay ciidamada

Garoowe October 30, 2023 (QJ)–Mucaaradka Puntland ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saareen waxay ku eedeeyeen madaxweyne Siciid Deni inuu hurinayo colaad cusub, waxayna ugu baaqeen inuu xilka ka dago.

Mucaaradku waxay ku andacoonayaan in Madaxweyne Deni uu la kulmay taliyeyaasha ciidamada Puntland oo uu ku adkeystay inay difaacaan ajandihiisa muddo kororsiga ah. Waxa ay ku andacoonayaan in tallaabadan ay ka dhalan karto cawaaqib xumo, waxayna walaac ka muujiyeen tallaabada uu qaaday Madaxweynaha.

War saxaafadeedka kasoo baxay mucaaradka ayaa ugu baaqay ciidamada iyo madaxdooda inay sharciga ilaaliyaan, waxaana lagu sheegay in Puntland aysan gelin fowdo iyo dowlad la’aan.

Madaxweyne Deni ayaa horay u sheegay in ay ka go’an tahay in shacabka ay u qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah, waxa uuna ciidamada kula dar daarmay in ay difaacaan hanaanka doorashada.

Deni ayaa sidoo kale ku booriyay ciidamada inay dhex dhexaad ka noqdaan oo aysan faragelin go’aannada kasoo baxay guddiga doorashada ee ku saabsan doorashada la qorsheeyay inay dhacdo 25-ka bisha Febraayo 2024-ka.
Muranka doorashada ee u dhaxeeya Deni iyo mucaaradkiisa ayaa ah mid walaac abuuraya, maadaama uu awood u leeyahay inuu sii huriyo xiisadaha siyaasadeed, iyadoo labada dhinac aysan wali wax tanaasul ah ka gaarin.

Dhanka kale waxaa magaalada Garoowe ka socda shir lagu wado in ay ka qeybgalaan qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, balse wali ma jiro wax war ah oo la taaban karo oo kasoo baxay. Si kastaba ha ahaatee, xalinta khilaafka madaxda Puntland ayaa weli ah arrin culus.

Comments are closed