|

Xamar oo bnk caalemi ah laga furay

Muqdisho October 30, 2023 (QJ) – –Bangiga Ziraat Katilim ee dalka Turkiga ayaa xarun ka furtay magaalada Muqdisho, isagoo noqonaya bankigii ugu horeeyay oo caalami ah oo dalka ka howlgala muddo ka badan 50 sano, sida uu sheegay Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Bankiga dhexe ayaa sheegay in hirgelinta Banggigii ugu horeeyay ee ku dhaqma Shareecada Islaamka uu xoojin doono dhaqaalaha dalka, si sare loogu qaado fursadaha dhaqaale iyo maalgashi ee gudaha iyo caalamkaba. Bishii Luulyo 2022, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxa uu shati siiyay laba bangi oo caalami ah oo caan ah, Ziraat Katilim Bank iyo Banque Misr ee Masar, ka dib habraac adag oo codsi ah.

Ziraat Katilim waa Bangi ay dowladdu leedahay oo laga leeyahay dalka Turkiga, xubinna ka ah Kooxda Maaliyadda ee Ziraat, kana shaqeysa 20 waddan oo kala duwan, oo leh 15 shirkadood iyo 27 xafiisyo wakiillo ah oo dibadda ah. Guddoomiyaha ayaa muujiyay in Bankiga Dhexe uu weli ka go’an yahay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo taaba gelinta hannaan maaliyadeed oo adag oo loo dhan yahay.

Comments are closed