|

Mucaaridka oo ka digay farogelinta Maxkamada sare ee Doorashooyinka

Hargeysa July 05,2023(QJ)-Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, Waddani iyo UCID, ayaa dhaliilay go’aankii ay dhawaan Komishanka Doorashooyinku ku gaadheen in khilaafka doorashada maxkamadda sare, tallaabadaas oo mucaaridku ku tilmaamay inay tahay faragelin hannaanka doorashooyinka, iyagoo sidoo kale sheegay in Somaliland lagu badbaadin karo oo kaliya in la qabto doorashada madaxtooyada ee muddada dheer dib u dhacday.

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga kaga hadlay arrimaha doorashooyinka, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in si xalaal ah loo qabto doorasho loo dhan yahay oo ka tarjumaysa rabitaanka shacabka.

Waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in komishanka doorashooyinka qaranka, maadaama ay tahay hay’ad madax-banaan oo loo igmaday nidaamka doorashada kormeerto shuruucda iyo dastuurka dalka.

Waxa uu xusay in go’aan ay hore uga soo saartay Maxkamadda Sare oo dib u dhigtay doorashada muddo aan la cayimin uu ka dhashay khilaafkii muddada dheer soo jiitamayay ee ku saabsanaa habraaca doorashada oo aan weli xal loo helin. Cirro waxa uu ku baaqay in la sameeyo hanaan lagu kalsoonaan karo oo lagu xalin karo khilaafkan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha UCID Faysal Waraabe, oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in u gudbinta maxkamadda sare ee go’aanka ay wax u dhimayso hannaanka doorashooyinka dalka.

Faysal waxa uu walaac ka muujiyay in haddii garsoorku ka waantoobi waayo hawshaasi inay xaaladda uga sii dari karto. waxaanu ku goodiyay in sida reer Laascaano ay ayahooda uga tashan doonaan iyana.

Maxkamadda sare ee jandheedha ayaa la filayaa in ay la safato madaxweynaha si ay u sii carqaladeyso hanaanka doorashooyinka dalka.

Muranka doorashadu waxa uu sababay khilaaf daba dheeraaday oo u dhexeeya xukuumadda iyo mucaaradka, waxana ka dhashay mudaharaadyo, dad ay ku naf waayeen, horumar la’aan muddaynta doorasho cusub oo loo arko mid lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay.

Comments are closed