|

Mucaaridka oo ku goodiyay in doorashada aaney beryeynin

Hargeysa (SD) – Madaxda xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa si wayn uga biyo diiday dib u dhaca Doorashooyinka iyo furista urrurada siyaasada, isaga oo sheegay in furistoodu ay baabiinayso xisbiyada mucaaradka ee hada jira.

Madaxda Mucaaridka oo markii u horeysay si gaar ah ugu dabaagegey May 18 ayaa sheegay in aaney madaxweynaha ka baryeyn qabashada doorashada.

Musharax Madaxweyne Cirro, ayaa kadigay in doorashada madaxtooyada Somaliland dib u dhacdo.

“In si dhakhso ah loo bilaabo wada hadalka waa u diyaar labada xisbi, diwaangalinta waa u diyaar, doorashada waa u diyaar, in xal si dhakhso ah looga gaadho muranada hadheeyay doorashada waa u diyaar” ayuu yidhi Cirro.

Guddoomiyaha UCID ayaa isna sheegay in Madaxweyne Biixi laga baryeyn in uu qabto doorashada.

“Maantana waxay keeneen in ay yidhaahdaan waan idin baabiinaynaa oo urruro yar yar, ayaanu soo saaranaynaa, maynu ka yeelaa, doorashada la sasabi maayo, Ina Biixi miyaanu sasabnaa waryaadaheen, miyaynu ka baqayna walaalayaal, waar waad qabanaysa hadii kale waad iska tagaysa” ayuu yidhi Faysal.

Laba xisbi mucaarid ayaa mudaba wedey in ay sheegaan in aaney aqbeli doonin in doorashooyinka madaxtooyada laga soo hormariyo ta ururada siyaasada.

 

Comments are closed