|

Somaliland oo u dabaaldegeysa xoriyad 31 jirsatay

Hargeysa (SD) – Waxaa si weyn maanta looga xusayaa Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland sanad guuradii 31 aad ee ka soo wareegtay gooni isu taaga Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa fagaaraha kheyriyada uga qeybgelaya munaasibada xuska madaxbanaanida Somaliland.

Halka madaxda xisbiyada Mucaaridka debaaldegyada uga qeybgalayaan magaalooyinka Boorama iyo Burco.

Somaliland ayaa sanadii 1991kii ka noqotay midnimo ay la gashay dawladii Soomaaliya ka dib dgaaal dheer oo shacab badani ku dhinteen.

Somaliland ayaase intii ka danbeysay gooni isutaagii 1991kii horumar muuqda ka gaartay dhinacyada nabada, ganacsiga iyo dimuqraadiyada.

 

Comments are closed