|

Mudanayaasha Xisbiga Kulmiye ugu Jira Golaha Wakiiladda oo Nidar ku maray in la soo Gole Joojiyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo Fal Celinta Saylici

Hargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaanadii Kulmiye ee ahaan jiray aqlabiyada xukuumadda ayaa u jan-jeedhsamay mar kali ah Mucaaradnimo, kadib markii uu qarxay khilaafka siyaasiyiinta Hanka musharaxnimo leh oo doonayey inay iska sharaxaan shirweynaha shanaad ee Xisbiga ee lagu soo dooranayo musharaxa Madaxweyne 10-nov-2015-ka.

Golaha-WakiiladaXildhibaanada Kulmiye oo bah-wadaag la samaysanaya kuwa Waddani ayaa la hadal hayaa inay diyaarinayaan Mooshin Maamuus ka xyuubin ah oo ay u qorshaynayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa, waxaana la filayaa inay toddobaadka soo socda guda galaan fadhi aan caadi ahayn.
Qorshaha Xildhibaanada Golaha Wakiiladda waxa ka war heshay Xukuumadda, waxaanay bilowday Olole ay kaga hortagayso si aanu mooshinkaasi ugu furmin, waxaana qandaraas lagu siiyey hawshaasi Madaxweyne ku-xigeenka C/raxmaan Saylici.
C/raxmaan Saylici ayaa isla shalayba guda galay qorshaha loo cumaamaday ee ay xukuumaddu u igmatay, waxaanay gurigiisa ku casuumay xildhibaanada Kulmiye kaga jira Golaha Wakiiladda, hase yeeshee waxa soo ajiibay oo kali ah 25 xildhibaan.
Maqnaanshaha xildhibaanada kale, ayaa daaha ka feyday in xildhibaanadii Kulmiye ee haystay kalsoonida golaha Wakiiladdu ay ka dareereen xukuumadda, waxaanay taasi sii badisay cabsidii xukuumadda.
Saylici ayaa la sheegay in uu xildhibaanada u yimi amray inay doonaan xildhibaanada ka maqnaaday fadhiga ka qabsoomay shalay gurigiisa, waxaanay dib u balameen Sabtida soo socota.

Comments are closed