|

Guddoomiye Muuse Biixi Oo Bilaabay Aargudasho Siyaasadeed Oo Ka dhan ah Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan

Hargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa siweyn ugu hawlan tan iyo wixii ka danbeeyay Is-casilaadii Wasiirada Xukuumada, ugaadhsi aargudasho siyaasadeed oo ku jihaysan Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan.
wanjalaada muuse biixi
Muuse Biixi Cabdi oo muddo dheer cadawgiisa dhinaca siyaasadda ee kala xijaabay isaga iyo Madaxtooyada u arkaayay Xirsi Cali Xaji Xasan, wuxuu Is-casilaadisi kadib ku qaaday gulufyo dagaal oo gooni ku ah Wasiirki hore Madaxtooyada, talaabooyinka aargudashada ah ee uu Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi qaaday ayaa laga xusi kara, isagoo adeegsanaaya awooda cusub ee Xukuumadda iyo dhego nugaylka Madaxtooyadda wuxuu amar ku bixiyay in Hanti dhawr la galiyo Hay’adda wadooyinka oo hoos iman jirtay Wasiirka Madaxtoyadda Xirsi Cali Xaji Xasan.

Siday xaqiijinayaan xogaha laga helay gulufkaas, Hantidhawraha Guud Maxamuud Dheere ayaa kula soo laabtay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, warbixin ah inay jeegaga iyo hawlaha shaqo ee Hay’adda wadooyinka aanay kali ku ahayn Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda iyadoo ay jiraan masuuliyiin kale oo siduu warbixintaas ku sheegay uu kamid yahay Wasiirka Gaashandhiga, kaas oo saxeexa la wadaagi jiray wixii hawl maalmeedka shaqada ku xidhan, balse Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu markale ku adkaystay inuu Hanti dhawraha Guud Maxamuud Dheere tab, xeelad iyo waayo aragnimadiisaba u adeegsado siduu kiis ugu samayn laha Xirsi Cali Xaji Xasan.

Talabadan oo siweyn uga cadhaysiiyay xubno wali kamid ah Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo oo ay kamid tahay Wasiirada Maaliyada, hadana ma noqon kuwa joogsada waxaana ku xoog roonaaday Muuse Biixi Cabdi oo ku adkaystay inay cadhada inanka yari uu baday ay ka soo celin karto oo kaliya iyadoo la xidho.
Geesta kale wuxuu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu amar ku bixiyay in wax kasta oo ay ku kacayso loo adeegsado sidii laysaga hor keeni laha Wasiirkii hore ee Madaxtooyada iyo Beesha Bariga Burco. (Beelaha Habarjeclo) wuxuuna qorsheeyay shirar iyo Casuumaddo lagu kala qabto Magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, kuwaas oo lagu marti qaadaayo Waxgaradka beelaha Habarjeclo iyadoo loogu muxaadiraynayo wacyigalin u dhigmaysa inuu Xirsi Cali Xaji Xasan khatar galiyay dawladii ay soo doorteen kana raacay dad lidi ku ah.

Dhaq-dhaqaaqyada dagaal ee aargudasha ku arooraya ee uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ku hayo Wasiirki hore ee Madaxtooyada, waxa ladhka ku sii kiciyay ayaa la odhan kara diidmadi iyo Is-casilaadi uu Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan kaga fal celiyay amarkii Madaxweynuhu usoo bandhigay inuu tageero Musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi taas oo aanu wali Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ka samrin.

Geesta kale falkan aargudashada ah ee uu ku dhaqaaqay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa laga sadaalin kara habka hoggaamineed ee Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo dadbadani cabsi ka muujiyaan.

 

Comments are closed