Baqdaad Dec 16,2011(qurbejoog.com)-Waxa shalay si rasmi ah loo shaaciyay in la soo gunaanaday hawgaladii ay ciidamada Mareykanku ka wadeen dalka Ciraaq sagaalkii sanadood ee ina dhaafay.
Dagaalakan ayaa intii uu socdey waxa ku dhintay 4,500 oo ka mid ahaa ciidamada Mareykanka iyo in ka badan 100 kun oo Ciraaqiyiin ah.
Sidoo kale waxa Mareykanka dagaalka uga dhawaacmay 32 kun oo ka mid ah ciidamadiisa, halaka shacab reer Ciraaq ee dagaalada ku dhaawacmay ay tiro beeshay.
Dalka Mareykanka waxa mudadaa uu dagaalka kula jiray Ciraaq waxa uga baxay Aduun ka badan 800 oo billion oo dollar.
Sheegashada Mareykanka ee iminka in uu ka baxay Ciraaq ayaa ah mid suaalo badan laga keenay.
Waxa jira arrimo dhawr ah oo muujinaya in Ciraaq ay weli ku jirto gacanta Mareykanka.
Waxa weli ku sii sugnaanaya carigaasi ciidan aad u hubeysan oo ka kooban afar kun oo askeri.
Waxa iyaguna Jooga Ciraaq ilaa 20 kun oo kale oo ah meliishaad si gaar ah loo leeyahay oo intooda badan ilaalo ka haya ceelasha iyo dhuumaha shidaalka.
Labaatan kale oo k mid ah ciidamada Mareykanka ayaa iyagu aanba dalkooda ku noqon oo ku sugnaan doona dalka ay Ciraaq jaarka yihiin ee Kuwait.
Qurbejoog-Baqdaad
