|

Muqdisho: Ciidamo Ka Tirsan Dawlada Federaalka Somalia Oo Ka Gadooday Mushahar La’aan Baahsani oo Haysata Isla Markaana Maanta La Wareegay Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia

Muqdisho 18. May 2017 (SDN/QJ):-Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo ka gadoodsanaa mushaar la’aan lasoo daristay ayaa maanta saacado kooban la wareegay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Muqdisho, waxa ayna ciidanka xanibeen dhaq dhaqaaqii ka jiray Wasaarada.


Sida aan Wararka ku helnay ciidamadan ayaa dhamaan xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, ciidankan ayaana diiday in xarunta Wasaarada la galo ama laga soo baxo sidoo kale la maro laamiga ku dhaw xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Saraakiil katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku baxeen ciidamada gadoodsan, waxaana wadahadalo kadib ciidanka Milatariga lagu qanciyay in ay dib ugu laabtaan xeryahooda lana xalinayo tabashadooda.

Ciidamadii hubeesnaa ee gadoodka sameeyay lana wareegay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ayaa markii dambe goobta ka kala tagay, xaalada xarunta Wasaarada ayaana hada si caadi ah kusoo laabatay waxaana dib loo furay wadooyinkii la xiray.

Dowlada Soomaalia iyo Taliska Milatariga ayaan wali ka hadlin gadoodka ay maanta sameeyeen ciidanka Milatariga, waana markii labaad ee ciidanka Milatariga Soomaaliya gadood ka sameeyaan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho iyaga oo ka cabanaya Mushaar la’aan lasoo daristay sida ay sheegeen.

Comments are closed