|

“Somaliland Nin Neceb & Nin Jecelba waa Cadceed soo baxday oo aan Sacab lagu qarin karin..” Madaxweyne Siilaanyo 18 May 2017 DAAWO

Hargaysa 18. May 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somaliland, ayaa Xuska Sannad-guuraada 26=-aad ee ka soo wareegtay ku dhawaaqistii Gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda oo 18-ka May 2017 oo Maanta ahayd ku buuxda, Khudbad uu Bulshada Warbaahinta u mariyey ka jeediyey Xarunta Madaxtooyada, taas oo uu kaga hadlay arrimo dhawr ah, isla markaana ku sheegay in Nin neceb iyo mid jecelba Somaliland tahay Cadceed soo baxday oo aan cidina Sacab ku qarin karin.

Khudbadda Madaxweyne Siilaanyo jeediyey oo haddii doorashada Madaxtooyadu qabsoonto wakhtiga loo qorsheeyey ee dhanmaadka sannadkan noqonaysa tiisii ugu dambeyey ee uu 18 May jeediyo, ayaa Garnaqsi u badnayd uu Bulshada Caalamka iyo Federaalka Soomaaliya kula hadlayo, waxa uu ku sheegay inaanay Somaliland geyin sida Bulshada Caalamku ula dhaqantay 26-ka sannadood ee maanta u buuxsamay ee ay dawladnimada haysatay, gaarna uga taagnayd Soomaaliya inteeda kale.

Waxa kale oo uu Axmed-Siilaanyo khudbaddiisa kaga hadlay, sida uu ku yimi go’aanka gooni-isu-taagga Somaliland iyo dhibaatooyinkii loo soo maray, higsigeeda iyo halka maanta la joogo. Waxa uu sidoo kale kaga hadlay Sicir-bararka, Qiimaha Sarrifka Doollarka ee Dabarka goosatay, Xukuumaddiisuna ku fashilantay inay wax ka qabato, Qaadhaan-ururinta Abaaraha oo uu hore iyo maanta ku baaqay in laga wada qayb-qaato, si wax loogaga qabto dhibaatada abaaruhu sababeen ee Xoolo la’aanta, Biyo-qabasho iyo ka hor-tagga Abaaraha soo noqnoqda.

Khudbadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Maanta Warbaahinta u mariyey Bulshada Somaliland oo aan sannadkan siday dawladdu go’aamisay samaynin Dabbaal-degyadii hore loo samayn jiray maalintan oo kale, balse dawladdu go’aamisay in lagu beddelo Qaadhaan-ururin.

Comments are closed