|

Muqdisho: Xili la Isu diyaarinayo Doorashada Dadbadan ee Somalia iyo Boqolaal ka tirsan ciidamada booliska dowlada Somalia oo liiska shaqada laga saaray

Muqdisho 21. November 2016 (SDN/QJ):- Taliyaha Hogaanka howlaha Booliska Soomaaliya Jen. Cali Xirsi Barre (Cali gaab) ayaa beeniyey warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta gudaha, kuwaasoo ku saabsanaa in saddex boqol oo askar booliska ka tirsan haqada laga eryey.

 

jen-cali-xirsi-barre-cali-gaabJen. Cali Cali gaab ayaa sheegay in askarta liiska shaqada laga saaray aysan aheyn kuwa shaqeynayey oo u taagnaa howlaha ciidanka balse ay ahaayeen kuwa mar hore iskood shaqada uga tagay.

 

“Ma jiraan ciidamo taliska boolisku ruqseeyey ama shaqada ka joojiyey, waxaa jirta inaan liiskaa ka saarnay askar ka badan saddex boqol oo aan soo xaadirin shaqadooda, kuwaasoo iskood shaqada uga tegay” ayuu yiri Jen. Cali Gaab.

 

ciidanka-booliska-soomaaliyeedWaxaa uu sheegay in taliska Booliska uusan xaq u laheyn in askari waajibkiisa shaqo gudanaya laga saaro shaqada, wuxuu xusay iney jiri karaan askar mararka qaarkood shaqada looga fariisiyo sababo ay ka mid yihiin anshax xumo ciidan, amar diido iyo bulshada oo ka soo cabata.

 

“Boolisku wuxuu leeyahay sharuuc iyo qawaaniin kala sareysa oo cidii ku xad gudubta sharciga qabanayo, askari ama labo askari haddii qaladaadkoodu bato ciidanka waa laga saarayaa maxaa yeelay sharafta ciidanka ayuu hoos u dhigayaa” ayuu intaa ku daray taliyaha.

Comments are closed