|

Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook oo  Soo Saartay Talaabooyin ay Wax kaga qabanayso Wararka Been abuurka ah ee Dadka Adeegsanayaa Ku Qoraan

Hargaysa 21. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxa fulinta bar-kulanka bulshada ee Facebook wuxuu ku dhawaaqay tallaabooyiin cusub oo lagu joojinayo wararka beenta ah ee bartaasi ka soo muuqda.

Indian Prime Minister Narendra Modi Meets With Facebook Inc. Chief Executive Officer Mark ZuckerbergWarbixin lagu faafiyey Facebook ayuu Mark Zuckerberg ku sheegay in shirkaddiisu ay sameysay qalab cusub oo qabanaya sidoo kalana kala saaraya “wararka beenta ah”.

Wuxuu intaa ku daray inay ka fiirsadeen hubinta shirkadaha wararka soo qora.

Facebook waxa ay wajaheysay eedeymo ah in lagu baahiyo warar aan waxba ka jirin oo been abuur ah.

Waxaa loo maleynaayaa in wararkaasi qaar ay saameyn ku yeesheen natiijadii ka soo baxday doorashadii Mareykanka.

 

Sabtidii,wuxuu Mr Zuckerberg,ka hadlay kullanka ay isugu yimaaderen hogaamiyayaasha caalamka ee APEC oo ka dhacay dalka Peru.Wuxuuna ku baraarujiyay in laga wada shaqeeyo hormarinta isku xidhnaanta caalamka iyo in dadka dunida oo dhan la gaadhsiiyo internet-ka.

Comments are closed