|

Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye oo Taageerayaal Laxaad Leh Maanta Kala Qayb galay Isu Soo bax ay ka Dhigeen Magaaladda Berbera DAAWO

Berbera 31. October 2017 (SDN/QJ):-Fagaaraha 26 June ee magaalada Berbera ayaa waxaa isugu soo baxay Taageerayaal aad u Tiro badan Waxaana Halkaasi Khudbado uga Jeediyey Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga kulmiye Muj: Muuse Biixi Cabdi & Madax kale.


Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ahna Gudoomiyaha Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Khudbad dhinacyo badan leh u jeediyey Taageerayaasha xisbul xaakimka Kulmiye ayaa sharaxaad ka bixiyey barnaamij Siyaasadeedka uu Xisbigiisu ku doonayo inuu dalka ku hogaamiyo Waxaanu ka Codsaday Shacabka ku dhaqan Gobolka saaxil gaar ahaan Magaaladda Berbera in Maalinta doorashadda ay Codkooda u haneeyaan Xisbiga Kulmiye si ay u sii ambo qaadaan Horumarka dalka iyo ka Magaaladda Berbera oo ah Isha dhaqaale ee ugu weyn Somaliland.

Comments are closed