Hargaysa 21.Dec 2014 (SDN/QJ)- Afhayeenka dhaqanka Somaliland Suldaan Xiiray ayaa ka hadlay hadaladii warbaahinta la mariyey ee guddida Horumarinta beesha Sacad Muuse ku sheegtay inay kala saareen siyaasiyoontooda ugu jira xisbiga Kulmiye.
Suldaan Xiirey oo ka hadlaya arrintaasina wuxuu yidhi, “Waxaan doonayaa in aan maanta ka hadlo oo aan ka idhaa laba kelmadood arinta asxaabta ama siyaasada xisbiyada,waxa jiray arin odayaal reer Hargeysa ahi ay yidhaahdeen waxaanu kala reebaynaa musharaxyada xisbiga kulmiye. Waxaan leeyahay bulshada somaliland gude iyo dibadba anigu waxaan u arkaa in arinkani yahay mid qabyaalad ah waayo xisbiyada waxa loo samaystay in lagag baxo qabyaalada,ooy noqoto meel qof kasta oo qaranka somaliland ah mid jooga bari ilaa galbeed la wada leeyahay .
Markay sidaa tahay waxa aan leeyahay musharaxiinta kulmiye waxa kala dooranaya golaha dhexe ee maaha in hab qabiil lugu soo doorto, mar walba waxaan leeyahay anoo ku hadlaya afka dhaqanka Somaliland waa inaga mamnuuc in aan si qabyaaladaysan aan ku soo xulano musharaxyada xisbiyada Somaliland,taasna waxaan u dhaafayaa in ay sida cadaalada ah ay u soo kala saaraan golaha dhexe ee Xisbiga” ayuu yidhi suldaan Xiiray
Geesta kale Suldaan Xiiray waxa uu, baaq nabadeed u diray suldaan Wabar, waxaanuu yidhi “waxaan leeyahay sulaadan wabar oo aan horana ula hadlay in uu qaaro gogal nabadeed waayo waxa lugu dhamayin karaa wada hadal iyo is afgarad,colaad waxab luguma helo suldaan ayaan ku leeyahay oo qaado gogasha nabada . Dhanka dowladana waxaan leeyahay ciidan meel la dhoobaa waxba ma taraane ee hawshan waxa ku jira madax dhaqmeed ee iyaga u daaya in ay iyagu soo dhameeyaan”.
