|

Murashixiinta Madaxweyne ee Faysal iyo C/Raxmaan-Cirro Maxay Ka Yidhaahdeen Jacaylkii Soo Maray Noloshooda & Is-helkii Xaasaskooda? DAAWO

Hargaysa 12 November  2017 (SDN/QJ):-Musharrixiinta Madaxweynennimo ee Xisbiyadda UCID iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka Sheekeeyey Waayihii Jacayl ee noloshooda soo maray ama wakhtigii dhalinyarannimada iyo sidii uu Mid waliba Xaaskiisa ku helay ama isu guursadeen iyo Heerka Haasaawihii ka dhexeeyey mid kasta Xaaskiisa Guursigooda ka hor.

Musharrixiinta Xisbiyadda Waddani iyo UCID, waxay arrimahaas iyo kuwo kale oo la xidhiidha-ba, kaga warrameen Waraysi Qosol iyo Qurux-ba koobsaday oo ay la Yeelatay Weriye Nuura Maxamed Nuur oo Ka Tirsan Hawl wadeenada Telefeshinka Universal Xaruntiisa Caasimadda Hargaysa, Waraysi xiiso lehna si gooni-gooni ah ugaga qaadeen labada Musharrax ee Faysal iyo Cirro.

Murashax C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro & Xusuusta gaaxatay ee Jacaylkiisii Barisamaadkii.

Comments are closed