|

Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Kulmiye Iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe Oo Xabsiga Ku Booqday ganacsade Cumar Caydiid

SHABEELKAN(1).

Hargeysa —Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaasi Jaamac Ismaaciil Cali (Shabeel) ayaa maanta booqasho ugu tagay ganacsade cumar Caydiid oo shalay ciidamada amaanku xabsiga dhigeen.

Jamaac Shabeel  oo warbaahintu su,aalo ka waydiisay xadhiga ganacsade Cumar Caydiid ayaa si kooban ugu jawaabay inay ku jiraan arinta xadhiga keentay isla markaana ay dhamaynayaan.Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cali(Jaamac Shabeel)  ayaa faah faahin ka bixiyey booqashada ay ugu tageen ganacsade Cumar Caydiid, waxaanu sheegay inay dhamaynayaan xadhigiisa waxaanu yidhi “Waxaanu soo booqanay aniga iyo gudoomiyaha Kulmiye maxbuuska ganacsade Cumar Caydiid, arintana waa la galayaa waana la dhamaynayaa wax dhib ahina ma jirto, nabad galyaduna waa jam jam, hawshana waanu dhamaynaynaa.”

Comments are closed