|

Muuqaallada 5 Carruura Oo Suuriyaan Ah Oo Ka Ilmaysiiyey Malaayiin Qof Oo Adduunka Ku Nool Iyo Qisada Ku Duugan

Hargaysa 26.August 2016 (SDN/QJ):- Waxa ay ahayd dhacdo aan ugub ku ahayn warbaahinta adduunka sidoo kalena la odhan Karin waxa ay degdeg u noqon kartaa tii ugu dambaysay kadib sawirradii gilgilay adduunka ee sida weyn uga qiiraysiiyey kadib markii warbaahintu baahisay sawirka wiil yar oo lagu magacaabo Cimraan oo u dhashay dalka Suuriya kaasi oo la soo saaray isaga oo dhiig badani ku dhabooqan yahay jidhkiisa sidoo kalena uu jidhkiisa daboolay dambas iyo boodh ka dhashay burburka gurigoodii kadib markii uu ku habsaday madfac weyn oo ka dhashay weerarada maalin walba lagu hayo shacabka Suuriya, kaasi oo warbaahintu sawirtay isaga oo aanay indhihiisa ka iman dhibic kali ah oo ilmo ahi una muuqday mid gasariir ah oo aan jixin jxi lahayn markii uu waayay waalidkii oo duqantaasi ku dhintay.

ubadkii-dunida-ka-ilmaysiiyeyKani ma aha sawirkii ugu horreeyey ee laga soo qaado ubadka Suuriya ee ka ilmaysiiya indhaha malaayiin qof oo Muslim iyo gaalo ahba leh balse waxa sidoo kale la xasuustaa sawirkii mahadhada reebey ee baraha xidhiidhka bulshada iyo warbaahinta caalamka sida weyn u xulay ee ahaa Iilaan oo saddex jir ahaa kaasi oo maydkiisu ku soo caaryay biyaha dalka Turkiga iyo Guriigga u dhaxeeya kadib markii ay la degtay doontii ay saarnaayeen oo ay ku naf waayeen waalidkii iyo dad badan oo kale. Sawirkaasi oo laga qaaday Iilaan oo afka dhulka ku haya oo mayd ah oo xidhan dhammaan dharkiisii iyo kabihiisii, Waa sawiro muujinaya sida shacabka reer Suuriya halaaga iyo baaba’a ugu sugan yihiin oo ubadkaasi looga xaaraantimeeyey in ay u noolaadaan sida ubadka adduunka ku nooli u nool yihiin, ama u farxaan sida ay ubadka adduunku u farxaan una haystaan nolol ammaan ah.

Dhacdo kale oo walaac weyn dhalisay waxa ay ahayd markii gabadh yar oo Suuriyad ah oo da’deedu 4 jir tahay ay gacanteeda kor u qaaday sidii qof is dhiibaysa oo u eg askari dagaal lagu qabtay oo maxbuus ah taasi oo sawirkeeda baraha bulshada lagu baahiyey iyada oo kamarad nin sawir qaade ahi sitay oo uu is lahaa ku sawir u qaadatay in uu sito qori uu doonayo in uu iyada ku dilo taasi oo keentay in ay gacmaheeda kor u taagtay iyada oo codsanaysa in la badbaadiyo. Arrinkaasi oo naxdin iyo walaac weyn ku abuuray intii goob joogga u ahayd iyo intii sawirkeeda daawatay. Falkaasi oo ka dhacay xeryaha qaxootiga ee ku yaalla dalka Turkiga ee ay ku jiraan kumannaan qof oo Suuriyaan ahi.

Sidoo kale waxa layaab iyo argagax dunida ku noqotay fal uu ku kacay ilmo yar oo Suuriyaan ah oo da’diisu tahay 3 jir kaasi oo dhaawac xun oo ka soo gaadhay duqaymaha cirka ee lagu hayo deegaanka Xalab ugu geeriyooday isaga oo lagula sii ordayo cisbitaal. Falka hadaba naxdinta lihi waxa uu ahaa in wiilkaasi yari markii la sii siday dhaawiciisa uu ku dhawaaqayay ereyadan “Ilaahay baan wax walba uga warrami doonaa”.

Muuqaal kale oo walaaciisa lahaa waxa uu ahaa muuqaal daawasho ah oo laga baahiyey wiil yar oo kale oo Suuriyaan ah oo isaga oo dhaawacan badbaadinayay walaashii oo ka yar kaasi oo isaga oo ay xabbadi ku dhacday jiidayay walaashii si uu u badbaadiyo mar kalena xabbad kale ku dhacday. Muuqaalka wiilkaasi ayaa warbaahinta laga soo saaray,. In badan oo shucuubta adduunka ahina ka ilmeeyeen.

Xigasho Wakaaladda AP

Comments are closed