|

“Muuse Biixi Laftiisa Ayaa Sheegay In Dalku Xaalad Adag Uu Ku Jiro, Xaalada Adag Ninkii Galiyey Xal Keeni Kari Maayo Ayaanu Leenahay” ..Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

Burco 18. September 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa wefti balaadhan oo xisbigaasi ka tirsan oo socdaal ugu baxay Gobolka Togdheer ayaa sheegay in safarkoodani uu daaran yahay u diyaargarowga bisha ololaha doorashada oo mudo koobani ka hadhsan tahay.

 

Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sidoo kale sheegay in Musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi laftiisu uu qiray in dalku uu ku jiro xaalad, waxaanu hogaamiye Xirsi tilmaamay in Xaaladaasi ninkii galiyey aanu ka saari kari.

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani oo ugu horayna dadweynaha gobolka Togdheer gaar ahaan Qoyta uga mahadnaqaya sida balaadhan ee ay u soo dhaweeyeen ayaa waxa uu yidhi “Waan idin salaamayaa, Salaan ka dibna aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin sida qiimaha badan ee aad noo soo dhaweyseen, noo qiimayseen ilaa xalayto intii aanu safarka ku soo jirnay aan loo kala seexan.” Ayuu yidhi Hoggaamiyaha xisbiga Waddani, waxaanu intaasi ku daray mar uu ka hadlayey ujeedada safarka xisbiga Waddani uu ugu baxay gobolka Togdheer “Insha Allaahu Tacaalaa, Maanta waa safarkii halkan diyaargarowga Ololaha iyo kaambaynka aynu isku diyaarinaynay, bishii kaambaynka 29 habeen ayaa inaga xigay, 29-kaa habeen waa diyaargarawgii, safarkayaguna waxa uu hordhac iyo horaantiisii uu yahay diyaargarawga aynu isku diyaarinayno ololaha iyo kaambaynka, maalintii guushana 59 habeen ayaa inaga xiga insha Allaah”. Ugu dambayn waxa uu yidhi“Waxaynu u baahanahay hadii Alle ka dhigo inaynu diyaargarowno oo wacdaro dhigno maalin dhaw, Reer Kulmiye ayaa carabka lagu dhuftay oo la yidhi halkaas ayuu marayaa xaaladda dalku, iyagaaba qiray oo yidhi dalku xaalad buu ku jiraa, Muuse Biixi laftiisa ayaa sheegay in dalku xaalad adag uu ku jiro oo tolow xaalada adag yaa galiyey, dee xaalada ninkii galiyey ka saari kari maayo, xaalada adag ninkii galiyey xall keeni kari maayo ayaanu leenahay.” Ayuu yidhi Hogaamiyaha xisbiga Waddani, Xirsi Cali X.Xasan.

Comments are closed