|

Muuse Biixi oo caafimaadkiisa laga deyrinayo ka dib burburkii ku yimi ciidamada Somaliland

Hargeysa August 27, 2023 (QJ) Sida aanu ka soo xiganay qaar ka mid ah hawlwadeenada madaxtooyada Somaliland, Muuse Biixi ayaa maalmihii u danbeeyay caafimaadkiisa aad looga walaacsan yahay.

Muuse ayaa intii ka danbeysay ku dhawaaqida Jabhada Dulmidiid waxa aad u yaaraaday mudada uu seexdo, iyada oo mararka qaar aany seexan maalmo dhawr ah oo is xiga.

Xaalda Madaxweynaha ayaa hoos u dhac ku yimi kolkii ay jabhada dulmi diid dileen askar ka tirisan ciidamo u badnaa qaar ay isku beel yihiin oo si gaar ah daacad ugu ahaa.

Balse intii ka danbeysay weerarkii ciidamada Somaliland looga soo saaray Sool oo ka dhashay amar uu bixiyay Muuse Biixi ayaa haatan kordhisay walaaca laga qabo in Muuse talada dalka lagu aamni karo.

Shaqaalaha Madaxtooyada ayaa marar kala duwan arkay Muuse Biixii oo kelidii iska qoslaya xili aaney cidi ka agdhaween. Muuse ayaa sidoo kale la arkay kiyoo isla hadlaya.

HEEGO oo iyadu dalka ku shaqeysata ayaa waxa ka goa’an in aan cidna arinkan lala socodsiin, hadii xitaa dalku sidaa ku burburayo.

Sidoo kale Horgaleyaasha ka tirsan xukuumada ayaan la fileyn in ay marnaba qaadaan tilaabo dalka lagu badbaadin karo.

Todobaadyada soo socda ayaa muhiimad gaar ah u leh jiritaanka Somaliland, hadii Muuse Biixi lagu daawado dalkana ay dhici karto in uu sidaa ku burburo.

 

Comments are closed