|

Muuse oo Diiday in uu bulshada u cadeeyo mowqifkiisa goaamada Beesha Habarjeclo soo jeedisay

Hargeysa August 30, 2023 (QJ) – Muuse Biixi ayaa ku gacan seyray in uu shacabka u soo bandhigo aragtidiisa goaamada dhawaan ay Beesha Habarjeclo ka soo saartay khilaafaadka dalka ka jira.

Goaamadan oo dad badani u arkaan qaar sharciga iyo dhaqankaba baalamarsan, ayaa Muuse uu u arkaa in aaney ka turjumeyn danihiisa gaarka ah iyo arimihii uu kalsoonida u siiyay.

Muuse Biixi ayaa la sheegay kolkii uu ka goys adeygay in uu goaankiisa bulshada la wadaago ayaa HEEGO ku talisay in Guddida Beesha H/Jeclo iyadu sheegto in uu aqbalay.

Muuse ayaa la sheegay in uu sugayo uun in arinta Jabhada dhan loo rido ka dibna uu daadifeeyo soo jeedimaha H/Jeclo ee doorashooyinka ku wejahan.

Muuse ayaa la sheegay in uu si weyn uga caroday in Goaamada guddida beelaha H/Jeclo ay soo dhaweeyeen dhaqanka iyo siyaasiyiinta Garxajis, taas oo uu u arko guuldaro.

Geesta kalena waxa ay goaamadan ka careysiiyeen ururadi buulhunguriga ahaa ee uu Muuse u isticmaalayay gulufka siyasadeed, waan mid ka mid ah sababha uu ugu dhici waayay soo dhaweynta goamaada dhexdhexaadinta.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in Jabhada dulmidiid ee Gacan-libaax in ay mowqifkooda shaaciyaan, iyaga oo hore u diiday nabadeynta la wado, iyaga oo sheegay in aaney khuseyn.

Comments are closed