Burco 28.Nov 2015 (SDN/QJ):- Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbul xaakimka KULMIYYE Md. Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo) ayaa Guddoomiyaha xisbigooda Muuse Biixi Cabdi, ku dhaliilay booqashadii uu ku tagay suuqa Gobanimo ee caasimadda Hargeysa, waxaanu ku dooday in qofka madaxweynenimo doonaya aanay ku habboonayn inuu ilolaha ka bilaabo xaafadiisa.
Xildhibaan Waabeeyo waxa uu sheegay in Muuse Biixi aad moodaysay inuu u sharaxan yahay xildhibaan Golaha deegaanka ee Hargeysa.
https://www.youtube.com/watch?v=3K1TLkSzUj8
