|

“Muusow Hargeysa Anaa iska leh Adna Xarshin baad ku noqon” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (SD)  Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa ku dhawaaqay in ay si gaar ah uga tashanayaan hogaaminta dalka mar hadii madaxweyne Biixi diiday in uu doorasho qabto.

Kulan ay madaxda labada xisbi maanta saxaafada kula hadleen ayay ku sheegeen in Madaxweyne Biixi aaney madaxweyne u aqoonsaneyn ka dib November sanadkan.

Madaxweynaha ayay ku eedeeyeen in uu horena uga shaqeeyay burburka Somaliland iminkana uu kala diray hanaankii doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa saxaafada u sheegay halka xaal haatan marayo.

“In aan aniga iyo Cabdiraxmaan labadayada baabiisid, oo tidhaa waan baabiinayaa ana waan joogayaa kuu suuragali mayso, Ina Koore-na waxaan leeyahay, urrurada aad sheegaysid Hargaysa iyo halkaan joogo ka dhici mayse 18 May waxaanu u saaraynaa guddi gaar ah” ayuu yidhi Faysal.

Halka Guddoomiye Xirsi uu dhankiisa sheegay sababta kacdoonka ugu baaqayaan iminka.

“Waxan aanu ka hadlayno ee aanu ka cabanayno, ee dhalinyaradu usoo baxayso, ee dadku hadal hayaan, ee mucaaradku diidanyihiin waxa weeyaan, madaxweyne 5 tiisii sanno dhamaatay, oo doonaya in uu sii fadhiyo, haduu na ixtiraami waayay oo uu na arki waayay anaguna halkuu joogo ugu tagi mayno, 18 May gaar baanu u qabsanaynaa”, waxa sidaa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

“Muusoow Wadanka Keligii Talisnimo Iyo Boqor Tooyo Kama Suuro galayso”
ayuu Gudoomiye Xirsi Cali xaaji xasan hadalkiisa sii raaciyay.
Si kastaba ha ahaatee Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Somaliland ayaa maanta markii u horeysay u magacaabay guddi gaar ah oo ka shaqayn doonta qaban qaabada xuska 18 May.
Waxa doodaha siyaasadeed ee haatan taagaan dhici kart in dalka ay u horseedaan khalaase amni oo dalka dib ugu celiya burbur.

 

Comments are closed