|

Xasan Sheekh oo mar kale Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya loo doortay

Muqdisho (QJ) Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loogu doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasho ka dhacday teendhada Afisiyooni ee Xalane ku taal.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in 324 xildhibaan ay u codeeyeen musharixiintii maanta ku herdamay xilka madaxweynaha.

Labada musharax ee Maxamed Farmaajo iyo Xasan Sheekh ayaa kala helay codad aad ukala tiro badan.

Xasan Sheekh ayaa ku guuleystay 214 cod halka farmaajo uu isna helay 110 cod, 3 codna ay khasaareen

Doorashada oo mudo loo dheg taagayay ayaa ku soo dhamaatay jawi nabdoon.

 

Comments are closed