|

Muwaadin reer Jabuuti oo xabsiga Gabiley lagu iloobay

Hargeysa (QJ) – Muwaadinka reer Jabuuti ee Arreh Souleiman Aouled Arreh ayaa maalintii tobnaad ku xidhan saldhigga dhexe ee Gabilay ee Somalilad.

Muwaadinkan reer Jabuuti ayaan ilaa hatan la garaneyn sababta dhabta ah ee xabsiga loo dhigay, balse waxa la aaminsan yahay in loo heysto hadalo eedo u badan oo uu u jeediyay madaxweynaha Jabuuti.

Sabtidii ina dhaaftay ayaa Maxkamada Gabiley la hor geeyay iyadoo loo jaray 7 maalmood oo Rummaan ah (xabsi ku sii hayn).
Ninkan oo si toos ah u dura nidaamka maamul ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa hore uga soo cararay waddanka Jabbuuti.
Muuqaallo uu soo duubay oo uu dhigo baraha bulshada ayaa Aarre uu ku sheegay in uu ka cabsi qabo in Somaliland u dhiibto dawladda Jabbuuti.

Comments are closed