bal suuree ama sifee waxa dhagahaaga ku soo dhacaya oo akhriste isku day in aad qiimayso dhaqdhaqaaqa wadankaaga ilayn xaqbaad u leedahay inaad ogaato ka hadasho waliba waxii karan kaaga ah wax aad ka qabato waayo waa wadankagii oo waliba duruufo badani kugu dhex haystaan hadana somalidu waxay tidhaa kab xumee ma hadhee kablaawe ayaa hadha runtu waxay tahay manta inaan meel fiican marayno xaga bilicda iyo shax shaxda kale oo dhan lakin waxa aad moodaa ciyaari waa galin danbe baa la odhan jiree kubahadaha la isku laagayo hadii aan iska dayn wayno cid ugu horaysa ee wax ku wayey saa waa cidaa kubadaha isku laagaysa waayo amniga iyo xasiloonida shicibka ayaa keenay kalsooni badan oo aad ka hesheen hadaba ilayn ma sina muwadin iyo ajaanib oo waynagan kaadhkii bilawnay Ale mahadi ha ka gadho marka kowaad marka labaadna xukuumada manta oo ku dhiiratay bilawgiisa sidii doonto iyo xaladay doontoba ha ku bilawdee hadana waxad moodaa suuqa magalada hargeisa in la yar kala garan laayahay ninkii muwadinka ahaa ee dalka dakhligiisu aanu dhaafsiisanayn iyo ninkii ajaanibka ahaa ee waxiisa la duulayey hadaba Somaliland dadkeedu xagay waxa ka qiimaynayaan nindalka dagan ku dhaqan ganacsi ku leh ayaa mar marka qaar waxa lagu doorsanayaa nin mar soo dhoof ah ilayn ciilmaan qabeen haduu dhawr jeer imadabee waxii yaraa ee manfac ahaana lagu wareejinaya isagu iskaba dhoof intuu boorsada ku qaatay sida lacagta jaadka ee aynu u maro lanahay dhabarjabka wayna inagu haysa ee xitaa ay naan shay aynu ugu badalno u haynin ayaa dhaqaaleyaal kaloo badani ku socdaan hadaba aan idin iftiimiyo ninka waddanka dagan ee muwadinka ah gurigiisiiba kana dadkisiiba kuna iskuuladka u dareraya shaqale ayaa la jooga laydh iyo biyo ayaa ugu jira isaga magalada dhex jooga oo habeen iyo malinka adeeganaya meheradaba u furan dhaqalihiisu meelkuma dhaafsiisana.
qisayarbay I xasuusiyey qoraalkaygan koobani oo ah anagoo laba nin ayaa magalad dhex dedeeda goordanbe aan ku soo baxnay nin qolodilayso markay na arkeen bay yaceen isagii baan gaadhnay waar maxay ahayeen ragu markiiba waxa uu nau idhi ciyaala suuqbay ahayeen oo mobilkiibay iga qadeen nacasyadu buu nagu idhi markiiba ninkii ila socdaa idhi inamarsha aan ka dabo tagnee imka waan ka soo qaadi karaynaaye ninki mobilka laga qaaday wabu na diiday kabacdi waabanu shikinoo waxaanu nidhi sabab aad waxaaga u doonan laadahay markiiba waxa uu nasiiyey jawaab aan layaabay waxa uu idhi waxa igaga darnaanlahayd iyadoo dalalkan jaarka mid ama meelka fog la igaga qaado lakin mobilkaygu haduu ugu bato xaafda kale oo dalakayga ka miduu tagayaa hadii la rabo burco iyo berbera halala tago ilayn wa dalkaygii uune.
Shaqsiga sidaa hadalka noogu dhigay waa nin aad u dhalinyar ah runtii aanu u qushuucnay markaanu hadalkiisii dhuuxnay hadaba su’aasha is waydiinta leh waxay tahay muxafid iyo mucarid labada gole baarlamaan odayaal aqooonyahan culimo ganacsato dadwaynaha oo dhan yar ila wayn waxa inanka yari gartay may garan laayahiin mise inta yar e ay ku leeyihiinbay eeganayaan? hadaba su’aasha ku xigta rasmiga ahi waxay tahay maxa talaw indha la isku tirayaa maxa talaw muwadinka looga tixgalinayaa ajaanibka ? shicib iyo dawladba kiis waan ku wada jirnaa taladaydu waxay tahay bal dib aan iskugu noqono oo nin walbaaba naftiisa ha saxo inta aanu nafkale toosi is odhan
